Xukuumadda Somaliland ayaa
maanta dalka ka saaraysa 11 xubnood oo ka socday jaamacadaha Muqdisho, kuwaas
oo Burco kaga qayb galayay shirka Midowga Jaamacadaha Somaliland iyo Somaliya
oo uu soo qaban qaabiyay ururka Jaamacadaha Carabta.
Xukuumadda Somaliland ayaa
joojisay inay shirkaas ka qayb galaan xubnaha ka socday jaamacadaha Muqdisho ee
dalka Somaliya, waxaanu wasiirka waxbarashada Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane
uu sheegay in dadkaas ka socday jaamacadaha Muqdisho maanta oo khamiis ah
laga masaafurinayo Somaliland. Kulankan oo ahaa kulankii labaad ee jaamacadaha
Somaliland iyo Somaliya ugu qabsooma Somaliland, ayaa wuxuu wasiirka
waxbarashadu ku tilmaamay inay talaabadan qaadeen ka dib markii ay dawladda
Farmaajo bilowday daandaansi iyo colaad hor leh.
Wasiir Cabdillaahi ayaa yidhi
“Sanadkana markii labad ee la qabanayay ayay ahayd oo jaamacada Burco ayaa lagu
qabanayay, hase ahaatee nimankii intan dawladda farmaajo timid dardar iyo
cadaawad hor leh ayay la timid, magaca Soomaalidu wuu inaga dhexeeyaa laakiin
isma haysano ismana matalno.” ayuu yidhi Wasiirka oo u waramay telefishanka
Saab, waxaanu intaas raaciyay “Caalamku gabadh yar oo 18 jir ah ayuu yidhi waad
madaxbanaantay, umad dhan ayuu leeyahay ma madaxbanaanaan kartaan,markaas way
ku dacwoodeen oo xaasidnimo dheeraad ah ayay la yimaadeen, sidaas ayaa markaas
lagu joojinayaa, kuweena siminaarkaas waa loo wadayaa iyagase waanu
dhoofinaynaa. Waa 11 ka socday jaamacadaha, beri [maanta] ayay dhoofayaan,
kuweenana waa loo wadayaa. Arab association hadday doonayaan hawgu tagaan
Muqdisho.”
Axmed Muuse Ismaaciil, madaxa
xidhiidhka dadweynaha ee jaamacadda Burco, oo isna saxaafadda la hadlay ayaa
sheegay inay la yaabeen talaabadan xukuumadda “Jaamacadahaas kumay jirin
siyaasad iyo wax kale, waxaana laga hadlayay oo keliya sidii tayada
waxbarashada kor loogu qaadi lahaa, waxaanay jaamacadda Burco martigelisay
shirkaas, wasaaradda waxbarashada ayaana ogolaanshaha iyo casuumadaha
jaamacadaha bixisay.” ayuu yidhi masuulkan u hadlay jaamacadda Burco.
Guddoomiyaha iyo murashaxa
xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa isna xukuumadda Somaliland ku
cambaareeyay talaabadan ay qaaday, waxaanu guddoomiyuhu ka tacsiyeeyay shirkaas
masuuliyiin ka tirsanaa jaamacadaha dalka Somaliya oo shirka inay ka qaybgalaan
laga hori istaagay, waxaana isaga oo la hadlaayay tilifishanka Saab uu yidhi
“Farxad ayay ahayd oo waxaan halkan u imi inaan ka jeediyo kulankan caalamka
islaamka ah khudbad, waxaan kala kulmay wax aanan filaynba oo madaxdii ka timi
jaamacadaha Somaliya la yidhi kama qaybgali kartaan arintaas reer Burco iyo
iyagaba waan ka tacsiyaynayaa, Burco waxay u baahnayd in kor loo soo qaado
kulankanina waxa uu ahaa mid cilmiyeed wax siyaasad ahna maaha, cilimiga iyo
siyaasadana waa in la kala saaraa Yuhuuda iyo Falastiniyiinta ayaa isku talaaba
oo shirarka cilmiga ah ka wada qaybgala, arintani waa mid nasiibdaro ah
nimankuna seediyaashay ayay ahaayeen oo waan ka tacsiyaynayaa, Dawlada
Somalilnad ee Kulmiye ka madaxda yahay timahoodu gees uma wada
feedhmaan.”
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments