Tuesday, May 9, 2017

thumbnail

Sawirro: Wiil aad u shabaha Ciyaaryahanka caanka ah ee Messi oo hal arrin Xabsi ku muteystay

Waxaa magaalada Hamaden ee dalka Iiraan lagu xiray Arday reer Iiraan ah oo aad u shabaha ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentine Lionel Messi.

Ardaygaani ayaa Xabsi la dhigay kadib markii dadka ku dhaqan magaalada Hamaden ee dalka Iiraan, ay isugu soo baxeen magaalada si ay sawirro ula galaan Ardayga shabaha ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentine Lionel Messi.
Reza Parastesh, ayaa laga dhexsaaray Kontomeeyo dad ah oo doonaayay inay isla sawiraan waxaana loo dhaadhiciyay saldhigga si loo joojiyo buuqa iyo isku soo baxa dadka shacabka ah.
Reza Parastesh, ayaa waxaa lala kaxeeyay gaari nooca raaxada ah oo uu watay, waxa ayna Booliska ku khaldeen ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentine Lionel Messi.

Aabaha dhalay Reza Parastesh, ayaa wiilkiisa shabaha Ciyaaryahanka ku khasbay inuu ku labisto dharka Ciyaaryahaanka caanka ah ee uu shabaho, iyadoo goortii uu dharkaasi ku labistay ay kusoo xoomeen dhammaan dadkii taageersanaa Lionel Messi.
Soo jeedinta aabaha dhalay Reza Parastesh, waxa uu 25 jirkani ku dhiiraday in uu timaha u jarto sida Messi garkana sii daysto.


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *