Saturday, June 3, 2017

thumbnail

WASIIR XAGLO-TOOSIYE OO FASHILIYEY SIR CULUS OO KU SAABSAN CIDDA SOO DIRTAY DIYAARAD DAWOOYIN SIDAY OO UU WASIIR CALI MAREEXAAN SHEEGAY IN UU ISAGU SOO IIBIYEY.

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye iyo Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka gobolka Togdheer oo goordhawayd shir


Xaglo-Tooosiyejaraa’id ku qabtay magaalada Burco ayaa fashiliyey cidda soo dirtay diyaaradd dawooyin siday oo shalay soo cago dhigatay garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera taas oo uu asiirka hawlaha guud iyo guryeyntu sheegay inuu isago kaligii soo iibiyey uguna taloo galay dadka la il daran xanuunka Shuban Biyoodka ee ka dilaacay gobolka Togdheer.

Wasiirka Xaglo-toosiye oo arrinka diyaaraddan si siyaasadaysan oo duur xull ah uga hadlay ayaa waxa uu sheegay in deeqdan dawooyinka ah ay soo dirtay hay’add ka shaqaysa u gargaarida dadka tabaalaysan ee ay lasoo darsaan dhibaatooyinku isla markaana wada shaqayn la leh hay’addaha Laanqayrta Cas (Bisha Cas) taas oo lagu magacaabo ICRC loona Soo gaabiyey (International Committee of the Red Cross), waxaana uu sheegay in deeqdan dawooyinka ah ay ku timi codsi ay u direen hay’addaha samafalka qaabilsan.

Wasiir Xaglo toosiye ayaa sidoo kale waxa uu sheegay In iyaguna sidoo kale ay soo socdaa diyaarado kale oo soo direen hay’addo kala duwan oo ay la xidhiidheen wasaaradda Caafimaadka Somaliland isla markaana ay kamid tahay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Dhinaca kale shalay ayay ahayd kadib markii ay diyaaradd siday dawooyinkan ay soo dirtay hay’adda ICRC kasoo dagtay garoonka diyaaradaha magaalada Berbera isla markaana uu wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeyntu uu sheegay in isagu u soo  iibiyey dawooyinnka noolka diyaaraddana uu bixiyey ganacsade reer Somaliland,hadalka wasiir Cali Mareexaan ayaa waxa burinaya dhawaaqan ay maanta kaga mahadcelinayaan wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Ciise Axmed Xalo-toosiye  ka jawaabid ay baaqa ay u direen hay’adda ICRC oo ka shaqaysa u gargaarida dadka tabaalaysan.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *