Thursday, June 8, 2017

thumbnail

Maxaa ka jira in ciidamo ka tirsan Puntland Gowrac iyo Afduub loogu geystay weerarkii Af-urur (Tirada)

Dagaalkani oo ahaa mid isuu jiray Qaraxyo iyo dagaal toosa ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Af-urur ee Gobolka Bari.


Dagaalka ayaa leysu adeegsaday Hubka culus, waxa ayna maleeshiyada Al-shabaab saacado ka dhex dagaalameysay gudaha Saldhig ciidamada Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Af urur.
Khasaaraha oo ahaa mid labada dhinac ah ayaa waxa uu hadana u badnaa dhanka Puntland, waxaana jira ciidamo nolosha lagu kaxeystay, sida laga soo xigtay Saraakiisha hogaamineysay dagaalka.
Ciidamada ay maleeshiyada nolosha ku kaxeysteen ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 6 Askari oo xiliga weerarka u cararay Jihada ay ka dagaalamayeen Al-shabaab.
Isbitaalka weyn ee Degmada Carmo, ayaa waxaa sidoo kale la geeyay dhaawaca inkabadan 27 ruux oo ay ku jireen ciidamo iyo dad shacab ah.
Sidoo kale, Tuulada uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa laga helay 20 Askari oo la gooracay kuwaa oo maleeshiyadu ay nolosha ku qabteen, sida laga soo xigtay Sargaal ka tirsan ciidamada Booliska iyo Idaacada Dalsan.
Ciidamada ayaa inta lagu guda jiray weerarka u firxaday dhanka maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana sidaa lagu gowracay inta laga gaaray.
Dhinaca kale, Maamulka Puntland oo aan weli xaqiijin tirada looga diley dagaalka ayey noqoneysaa tiradii ugu badneyd ee abid hal goob looga wada dilo ciidanka Puntland tan iyo markii ay al-Shabaab dagaalada ka bilaabeen buuraha Golis sanadkii 2010.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *