Wednesday, June 7, 2017

thumbnail

Turkiga oo ciidamo u diraya dalka Qadar, xilli xiisadda gacanka sii xoogeysatay

Baarlamaanka Dalka Turkiga ayaa maanta oo Arbaco ah la filayaa inay ansiixyaan sharci ogolaanayo in Ciidamado ka tirsan Turkiga loo daad gureeyo saldhigga Militari oo ay ku leedahay


 Qatar sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Xisbiga talada hayo ee AK iyo kan mucaaradka ah ee Nationalist.
Tallaabadaan ayaa u muuqato mid uu Turkiga ku taageerayo dowladda Qatar oo culeys kala kulmeyso dowlado Carbeed oo xiriirka u jaray oo ay kamid yihiin  Saudi Arabia, Egypt, United Arab Emirates (UAE) iyo  Bahrain, kuwaas oo sidoo kalana hawadooda ka mamnuucay inay diyaaradaha Qatar Airways isticmaalaan.
Dowladda Qatar ayaa ka biyo diiday eedeyntii ay dowladhaas usoo jeediyeen oo ah inay taageerto Argagixisada, xiisadaana waxay noqotay middii ugu adkeyd oo dhex marto dowladaha Carabta qarniyadaan.
Madaxweynaha Dalka Turkiga Tayyip Erdogan ayaa cambaareeyey falka cunaqabateynta lagu saaray dalka Qatar, wuxuuna tilmaamay in xiriirka oo loo jaro Qatar aysan xal u noqoneyn dhibaatada taagan, wuxuuna ballan qaaday inuu juhdi ku bixin doono sidii dhibaatadaan loo soo gabagabeyn lahaa.
Dalka Turkiga ayaa xiriir wanaagsan la leh dowladda Qatar iyo dowladaha dariska la ah, waxayna si wadajir ah u garab istaageen Ururka Ikhwaanu Muslimiin ee dalka Masar iyo kooxaha ku kacsan Madaxweynaha Syria  Bashar al-Assad.
Sharci Sameeyayaal ka tirsan Xisbiga Erdogan ee AK ayaa soo gudbiyey laba sharci oo ka hadlayo in Ciidamada Turki ah loo diro dalka Qatar iyo sidoo kale inay iska kaashadaan tababaro Militari sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan xisbiga Talada hayo iyo kan mucaaradka ah.
Baarlamaanka Turkiga ayaa la filayaa inuu maanta gelinka dambe ansixiyo labadaan sharci, waxaana la sheegay in sharciyadaan howshooda la waday ka hor inta uusan dilaacin khilaafka dowladaha Carabta.
Dowladda Turkiga ayaa saldhig Militari ka sameysatay dalka Qatar, wuxuuna noqday saldhigii ugu horeeyey oo noociisa ah oo ay Turkiga ka sameysato Bariga dhexe, waxayna arrintaas ku timaaday heshiis labada dhinac dhex maray sanadkii 2014.
Sanadkii 2016 Ra’isulwasaarihii hore ee Turkiga Ahmet Davutoglu ayaa booqday saldhiga ay Turkiga Qatar ka sameysatay oo ay ku jiraan ilaa 150 askari oo ka tirsan Ciidamada Turkiga sida uu sheegay wargeyska maalinlaha ah ee Hurriyet ee laga leedahay Turkiga.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *