Friday, June 23, 2017

thumbnail

DALALKA CARABTA OO 13 SHARDI KU XIDHAY INAY XAYIRAADDA KA QAADAAN QATAR.

Afar dal oo Carbeed ayaa dawladda Qadar ka dalbaday liis ay ku qoran yihiin 13 dalab oo ay waajibtahay in ay fuliyaan haddii ay rabto in laga qaado xayiraadda ay saareen, sida ay wakaaladuhu ku warramayaan.
Sacuudi Carabiya, Masar, Isutagga Imaaraadka Carrabta iyo Baxrayn ayaa waydiisanaya Qadar in ay xidho warbaahinta Al-Jazeera.
Waxaa kale oo ay qadar waydiisteen in ay yarayso calaaqaadka ay Iiraan la leedahay, ayna xidho saldhiga uu Turkigu ku leeyahay Qadar, shuruudahaas oo dhanna ay ku fuliso muddo 10 maalmood gudahood ah.

Dawladda Qadar ayaa diiday in ay maalgaliso argagixisada iyo in ay dhiirigalinayso degenaansho la’aanta gobolka.
Qadar ayay labo toddobaad saaran tahay xayiraad dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed, arrintaas oo aan la filaynin ayaa noqotay culayskii ugu waynaa ee dalalka Khaliijka ka dhacda muddo tobannaan sano ah.
Shuruudahan ayaa lagu dhawaaqay ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson uu dalalka ay Qadar dariska yihiin ugu baaqay in dalabkoodu uu noqdo mid “sabab leh oo wax laga qaban karo”.
Saxafiyiintu waxay sheegayaan in jahwareer uu haysto Maraykanka oo raadinaya siddii uu ku xallin lahaa khilaafkan, taas oo ka dhalatay wakhtiga ay qaadatay in Sacuudiga iyo dalalka kale ay si rasmi ah u soo gudbiyaan waxa ay dalbanayaan.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *