Thursday, June 8, 2017

thumbnail

SOOMAALIYA OO MEEL DHEXE ISKA TAAGTAY KHILAAFKA DAWLADAHA CARABTA, JABUUTI OO DHINAC LA SAFATAY & SOMALILAND OO WELI DUSHA KA EEGAYSA

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa war ka soo saartay khilaafka siyaasadeed ee ka dhax taagan waddamada Khaliijka Carabta, iyada oo sheegtay in ay ka walaacsan tahay xiisada jirta.

Madaxweyne-Maxamed-Farmaajo-2-620x330
War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dawladda Federaalka ku baaqeyso in khilaafka lagu dhameeyo wada hadal iyo is faham.

Mowqifka dowladda Federaalka ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa ah mid cad oo ay ku muujineyso in aanay dhinacna la safneyn dowladaha khilaafka u dhaxeeyo, kuwaasi oo ah Qadar oo dhinac ah iyo Dawladaha Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Yemen iyo Maldevis oo dhinac ah, kuwaasi oo dhamaantood xidhiidhka Dublamaasiyadeed u jaray Dawladda Qadar oo ay ku eedeeyeen inay Argagixisada taageerto.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, ayaa lagu yidhi sidan “Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ay ka xun tahay, kana walaacsan tahay khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay Dowladaha Carabta ee walaalaha ah. Dowladda federaalka waxaa ay dhinacyada ugu baaqeysaa in khilaafka lagu dhammeeyo wada-hadal iyo is faham, iyada oo la adeegsanayo Ururka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamku waxey diyaar u tahay in ay gacan ka geysato sidii xal loogu heli lahaa khilaafkan Diblomaasiyadeed ee soo kala dhex galay waddamada walaalaha ah.”

Dhanka kale, Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo ka hadashay Khilaafka Diblumaasiyadeed ee soo kala dhex galay Qadar iyo Dalalka Khaliijka ee Sucuudigu ugu horeeyo, ayaa la safatay Dawladaha Xidhiidhka u jaray Dalka Qadar, waxayna sheegtay in ay hoos u dhigi doonto xidhiidhka Dibamaasiyadeed ee ka dhexeeya Dalka Qatar isla markaana ay hoos u dhigi doonto shaqaalaha Diblomaasiyiinta ah ee Dalkaasi u matala ama ka jooga.

Sidoo kale, Dalal aad u tira badan ayaa Arbacadii Shalay Shaaciyey inay xidhiidhkii ay la lahaayeen Dalka Qatar ay joojiyeen, waxaana Dalalkaasi ka mid ah Senegal iyo Mauritania, kuwaasi oo caddeeyay inay xidhiidhkii Diblomaasiyadeed ee ka dhexeeyay Qatar ay jareen, halka Dawlada Jordan shaacisay in ay hoos u dhigtay, balse aanay wada jarin.

Hore waxa Qadar xidhiidhka ugu gooyey Dawladaha Sucuudiga, Imaaraadka, Baxrayn, Maldevis, Madar iyo Yemen.

Ugu dambayn, Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland oo xidhiidh iskaashi  la leh Dalalka Khaliijka Carabta, sida Isku tagga Imaaraadka Carabta, ayaan illaa hadda wax war ah oo ku saabsan Mowqifkeeda ka soo saarin khilaafka ka dhex Qarxay Qadar iyo Dalalka kale.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *