Monday, June 5, 2017

thumbnail

Siyaasi Soomaaliya caan ka ah oo loo diiday inuu ka dhoofo garoonka Hargeysa (Sabab?)

Maamulka Somaliland ayaa siyaasi caan ah u diiday inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa ee xarunta Maamulka.


Somaliland ayaa Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa u diiday inuu ka dhoofo garoonka Magaalada Hargeyso isagoo usii socday dalka Kenya.
Buubaa ayaa watay Baasaboorka Soomaaliya ee loo yaqaan Diblomaasi waxayna Somaliland u sheegtay inuusan baabsaboorkaan kaga dhoofi karin gudaha Maamulka Somailand.
Markay sidaas dhacday ayuu Buubaa isku dayey inuu sameysto baasaboorka Somaliland wuxuuna mar kale dhibaato kala kulmay Somailand oo u diiday qaadashada Baasaboorkaas.
Madaxda Somaliland intooda badan waxay ku dhoofaan baasaboorka Soomaaliya, waxayna shacabkeeda ku dhibtaa qaadashada baasaboorka Soomaaliya midaas oo dad badan fahmi waayeen ujeedka laga leeyahay.
Buubaa ayaa kamid ahaa siyaasiyiinta kasoo jeedo dhulka Somaliland ee ku doodi jiray inay muqadas tahay midnimada Soomaaliya, balse sanadihii dambe wuxuu u goystay Hargeysa kadib markii uu ka dhawaajiyey inuu go’aankaas ka noqday isla markaasna uu taagersan yahay gooni isku taaga Somaliland.
Markaas kadib Buubaa ayaa isku diiwaan gelisay xisbiga mucaaradka ee ka dhisan Somaliland kaasoo lagu magacaabo Wadani.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *