Wednesday, June 7, 2017

thumbnail

MADAXWAYNE SIILAANYO OO SAFAR UGU BAXAYA DALKA IMAARAADKA CARABTA IYO UJEEDADA SOCDAALKIISA.

Warar xog ogaal ah oo soo if baxaya ayaa waxay sheegayaan in madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) la filayo inuu safar ugu kicitimo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

Madaxwayne Siilaanyo ayaa la filayaa in uu maalmaha soo socda safarkaasi ugu baxo dalkaasi Imaaraadka Carabta,waxaana la filayaa in uu inta aanay bisha Ramadan dhamaan hadana dib ugu soo noqdo dalka Somaliland.

Safarka madaxwayne Siilaanyo ku tagayo dalka Imaaraadka Carabta ayaa xoguhu sheegayaan in uu la taxaluqo marti qaad rasmi ah oo uu ka helay madaxda Imaaraadka Carabta isal markaana ay ka wada hadlayaan heshiiska Saldhiga Milateri ee dawlada Imaaraadka Carabta laga siiyey magaalada Berbera,sidoo kale xogo kale oo safarkan madaxwayne Siilaanyo kasoo baxaya ayaa waxay iyaguna sheegayaan in safarka madaxwayne Siilaanyo ee dalka Imaaraadku uu yahay mid gaar ah oo aan la taxaluqin arrimo shaqo.

Lama xaqiijin maalinka rasmiga ah ee uu baxayo madaxwayne Siilaanyo laakiin waxa xoguhu tilmaameen in ku guda jirka Bishan Ramadan waliba maalmahan soo socda uu baxayo isl markaana uu dib usoo noqonayo inta Bisha Ramadan socoto.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *