Saturday, June 3, 2017

thumbnail

Muqdisho: Degmooyin is-beddel laga dareemay iyo degmooyin aysan ciidamadu geli karin

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa xaqiijinayo in qaar ka mid ah degmooyinka magaalada laga dareemayo isbadal weyn oo ay soo kordhiyeen Ciidamada hub ka


dhigista Muqdisho.
Dadka ku sugan qeybo ka mid ah degmooyinka Waaberi, Hodan, iyo Wadajir iyo Xamar Jajab, ayaa ka dhawaajiyey in Baabuurtii ciidanka badan lala saarnaa iyo qoryihii cuslaa ee indhaha la iska gelin jiray maalmahan laga nastay, oo waddooyinku nadiif yihiin.
Wadooyinka degmooyinkaas ayaa lagu marayaa si istariix ah, adigoo ka cabsaneyn baabuur ciidan inta gadaal kaaga timaada oo marka ay ku horgoyneysana qoryo kugu taagaya.
Arrintaan ayaa waxa sabab u ah dowladda Soomaaliya oo bilowday howlgal ay ugu magac dartay (Xasilinta Caasimadda Muqdisho) oo ay usoo tababartay ciidamo gaar ah oo weliba isku dhaf ah, oo hub ka dhigis ka wada degmooyinkaas.
Ciidamadaan ayaa waxaa lagu arkayaa dhammaan jidadka afarta degmo ee aan soo xusnay, waxayna la wareegeen koontarooladii ay fadhin jireen Ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana Magaalada Muqdisho laga dareemayaa isbadal weyn oo lagu faani karo.
Si kastaba, ciidamadan ayaan geli karin qaar ka mid ah degmooyinka Muqdisho, gaar ahaan kuwa Waqooyiga sida Kaaraan, Shangaani, Shibis, Cabdi Casiis, Boondheere iyo Yaaqshiid, iyo qeyb kale oo ka mid ah Koonfurta sida Wardhiigley iyo Howlwadaag.
Deegaanada ay howl-gallada ka socdaan ayaa inta badan ah kuwii ay dowladda markii horeba ku xooganeyd ee ka ag dhow madaxtooyada iyo garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *