Sunday, June 11, 2017

thumbnail

Wafti ka socda Qatar oo Muqdisho ku sugan (Hal qorshe oo muhiim ah oo ay u joogaan)

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi iyo wafti la socda, ayaa socdaal deg deg ah kusoo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaasi oo uu iminka kulan kula leeyahay madaxda dowladda Soomaaliya.



Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Sultan bin Saad Al-Muraikhi uu iminka kulan la leeyahay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, uuna kala hadlayo xiisadda ka dhex ooggan dalalka Carabta ee Soomaaliya ay dhexdhexaadka ka noqotay.
Waxaa la sheegay inuu uga mahad-celin doono Soomaaliya, sida aysan ugu biirin dalalka Islaamiga ah ee colaadiyey dalka QATAR.
Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa sidoo kale la filayaa inuu la kulmo madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kalana hadlo arrintan.
Warar kale oo aan helnay ayaa sheegaya in dowaldda Qatar ee dhaqaalle xooggan siin doonto dowladda Soomaaliya, go’aanka ay qaadatay darteed, ayada oo rumeysan in go’aankan dowladda Soomaaliya uu colaad uga abuuray dalalka kale ee Carbeed.
Go’aanka Soomaaliya ayaa keenay in Sacuudiga ay dib u dhigaan dhaqaale ay horey ugu ballan qaadeen Soomaaliya, kuna cadaadinayaan in xiriirka loo jaro dalka Qatar.
Diyaaradaha shirkadda Qatar Airways ayaa hadda adeegsaday hawada Soomaaliya kadib markii laga mamnuucay hawada dalalka ku yaalla gacanka carbeed.
Soomaaliya ayaa ku sugan xaalad laba darro mid dooro ah, waxaana go’aan kasta oo ay qaadatay uu yahay mid dhinac uga abuurayo saaxiibo dhinaca kalena cadaawad.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *