Wednesday, June 14, 2017

thumbnail

Qatar oo qaadatay go’aan ay uga aargudaneyso Jabuuti iyo Eritrea oo la saftay Sacuudiga

Dowladda Qatar ayaa maanta oo Arbaco ah ku dhawaaqday inay ciidamadeeda nabad ilaalinta kala soo bixi doonto xuduuda muranka dhalisay ee u dhaxeyso dowladaha Djibouti iyo  Eritrea

 kadib markii ay labadaan dowladood la safteen go’doominta Sacuudiga iyo xulafadeeda ay saareen dalka Qatar.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar wax sabab ah uma yeelin go’aankaan oo imaanayo xilli ay cadaadis Diblomaasiyadeed kala kulmeyso qaar ka tirsan dowladaha dariska ee Carbeed kadib markii ay ku eedeeyen inay taageerto islaamiyiinta iyo dalka Iiraan, inkastoo ay Doha arrintaas gaashaanka ku dhufatay.
“ Qatar waxay dhex dhexaadiye diplomaasiyadeed oo dhex dhexaad ah ka aheyd xallinta dhibaatooyinka u dhaxeeyo dowladaha walaalaha ah iyo kuwa saaxiibada ah, welina waxay diyaar u tahay inay kaalin libaax leh ka qaadato” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay Dowladda Qatar.
Dowladda Qatar ayaa sheegtay inay si deg deg ah ciidamadeeda ugala soo bixi doonto halkaas inkastoo aysan sheegin tirada ciidamada halkaas ka joogo, waxayna sheegtay inay go’aankaas ku wargelisay dowladda Jabuuti.
Sida lagu sheegay warbixinta ay soo saareen guddiga dabagalka iyo Qiimeynta Qaramada Midoobay, dowladda Qatar waxaa xuduudda Djibouti iyo  Eritrea ka joogo Ciidamo gaarayo ilaa 200 oo Askari
Qatar ayaa xiriir dhow la laheyd dalka Eritrea waxayna ciidamo aan sidaas u badneyd oo nabad ilaalin ah geysay xuduudaha ay la leedahay dowladaha Geeska Africa sanadkii 2010 markii ay halkaas ka dhaceyn dagaalo ku saabsan muran xagga dhulka ah sanadkii 2008, sidoo kalana waxay ka caawisay heshiisyo dhex dhexaadin nabadeed ah.
Dowladda Jabuuti ayaa asbuucii hore ku dhawaaqday inay hoos u dhigtay xiriirka ay Qatar la laheyd iyadoo ilaalineyso midowga la dagaalanka argagixisada iyo midnimada dowladaha Carabta iyo Khaliijka.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *