Tuesday, June 20, 2017

thumbnail

QARAX DAD BADAN KU DHINTEEN OO GOOR DHAWAYD KA DHACAY MAGAALADA MUQDISHO

In ka badan 10 qof ayaa ku geeriyooday qarax ismiidaamin ahaa oo goor dhow ka dhacay gudaha xarunta degmada Wadajir, iyadoo gebi dhaan dhismaha xarunta degmada ay duntay.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Hoomey, kaasoo ka mid ahaa gawaadhida caanaha keenta.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga is qarxiyay ay u suura gashay inuu gudaha u galo xarunta degmada, maadaama inta badan gaadiidka caanaha iyo khudaarta keena lagu canshuuro gudaha xarunta degmada, waxaa la sheegayaa inuu ahaa gaari laga yaqaanay xarunta degmada.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu saameeyay dhismayaal ka ag dhow xarunta degmada, waxaana jugta qaraxa ay aheyd mid magaalada oo dhan laga maqlay.

Wariye ka tirsan Idaacada VOA oo lagu magacaabo C/qaadir Cumar Cabdulle ayaa u sheegay Jowhar.com inuu arkay meydadka 9 qof, iyo meydad kale oo aan la kala garaneyn jirkooda oo aad u go’ go’ay.

Dhismaha xarunta oo gebi ahaanba bur burtay ayaa hada waxaa la sheegayaa in laga soo saarayo meydadka ku soo hoos-jira.

Guddoomiyaha degmada Wadajir iyo qaar ka mid ah Ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay qaraxa, sidoo kale waxaa jira dad kale oo iyana waxyeelo ka soo gaartay oo ka mid ahaa dadkii ka shaqeynayay xarunta degmada.

Xarunta degmada Wadajir ayaa ku dhow suuqa weyn ee degmada, oo ka mid ah suuqyada ugu mashquulka badan magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta xiray, waxaana socotay daad-gureynta dadkii ku dhaawacmay qaraxa.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxa ismiidaaminta ee ka dhacay xarunta degmada Wadajir.

Waa qaraxii u horeeyay ee noociisa ee lagu weeraro mid ka mid ah xarumaha degmooyinka Gobolka Banaadir oo aan horay looga baran in la badhtilmaameedsado.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *