Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka dalka Itoobiya Mr Axmed Shide ayaa ka hadlay doonista ay Itoobiya doonayso inay isticmaasho dekeda.
magaalada Berbera iyo waliba inay qayb ka noqoto maalgashiga Saddex Geesoodka ah ee Somaliland iyo Dp World.
Wargeyska Capital ee kasoo baxa magaalada Addis-ababa ee Itoobiya ayaa waxa uu warbixin kaga qorey dekeda magaalada Berbera iyo Isticmaalka la filayo ee dawlada Itoobiya,waxaana uu sheegay in Itoobiya ay il gaar ah ku eegayso inay qayb ka noqoto maalgashiga lagu horumarinayo dekeda magaalada Berbera.
Wasiirka Gaadiidka Itoobiya Mr Axmed Shide ayaa u sheegay wargeyska Capital in Itoobiya doonayso in la balaadhiyo dekedaha horumarkana la gaadhsiiyo meel kaste oo kamid ah gobolka Geeska Afrika.
“Dekeda Berbera waxay badiil u noqon doontaa Dal bulshadiisu badan tahay si xawli ahna u koraya sida Itoobiya oo kale.Arrintan Itoobiya way ku wargelisay saaxiibadeeda Gobolka”ayuu yidhi Mr Shide.
Wasiirka oo hadalkiisa sii w ata waxa uu sheegay inaanay Itoobiya Berbera u arkayn oo kaliya deked ay isticmaasho balse ay doonayso inay maalgashiga lagu samaynayo qayb ka noqoto.
“Arrinta Berbera uma tixgalinayno oo kaliya inaanu isticmaalno dekeda,laakiin waxa kale oo aanu eegaynaa suurtogalnimada maalgashida Saddex geesoodka ah”Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka Itoobiya.
Wasiir Shide oo uu wargeysku waydiiyey inuu ka hadlo saamiga ay madaxtooyada Somaliland sheegtay in Itoobiya laga siiyey dekeda magaalada Berbera ee ah 19% waxuu wasiirku yidhi .
“Waa deg deg ah in iminka faah-faahin la sheegaa waxaanu ku jirnaa wada xaajood”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiir Shide.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments