Saturday, May 13, 2017

thumbnail

WARARKII UGU DAMBEEYAY SAFIIRO LA MAGACAABI LAHAA OO LA HAKIYAY

Iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay si weyn u soo baxayeen warar sheegayay Safiiro dowladda Soomaaliya u magacaabi laheyd dalal dhowr ah, ayaa qaarkood la sheegay in loo hakiyay maqnaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya.

Safiiradan oo lagu waday in lagu ansixiyo Shirka Golaha Wasiirada ayaa dib loo dhigay, kaddib markii mid ka mid ah Safiirada la magacaabi lahaa la sheegay in aanu ka war heyn Madaxweyne Farmaajo.
Magacaabida Safiiradan ayaa ku xiran imaanshaha Madaxweynaha oo la filayo in maanta oo sabti ah dib ugu soo laabto Muqdisho, waxaana la sheegay in safiirada qaar ay warqadahooda magacaabista diyaar yihiin, loona kala diray dalalkii ay safiirada ka noqon lahaayeen.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu markii hore aqbalay magacaabida Safiirada Soomaaliya ee Turkiga iyo UK, oo ah labo nin oo mid ay xigto yihiin, midna reer abtiyeyaashiisa ah, sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow Villa Soomaaliya.
Jaamac C/llaahi Ceydiid oo ka mid ahaa Guddigii Ololaha Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in warqadiisa loo diray Turkiga, isla markaana safiirnimadiisa ay tahay mid banaanka ah.
Sidoo kale C/raxmaan Ceynte ayaa goor sii horeysay magacaabidiisa Safiirnimada lagu shaaciyay baraha bulshada, iyagoo dad badan oo saaxibo iyo ku beel ahba ay ugu hambalyeeyeen, waxaana dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah warqada safiirnimada ugu magacawday u dirtay dowladda UK.
Hase ahaatee ninka 3aad ee la hadal hayay in loo magacaabo Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa magacaabidiisa ay mugdi soo gashay, kaddib markii ninkan la sheegay inay wateen xubno ku dhow Ra’iisul Wasaaraha, sidaas darteed Madaxweynaha iyo saaxibadiisa ay ku qanacsaneyn.
Ninkan oo lagu magacaabo Xuseen Qaasim ayaa rajadiisa Safiirnimo ee Kenya ay hoos u dhacday, sababo aan wali la ogeyn, waxaa la sheegay inay wateen xubno ay ka mid yihiin Milkiilaha Hotel Jazeera iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo ay isku jaamacad ahaayeen, horayna uga soo wada shaqeeyeen ismaamulka soomaalida Itoobiya.
Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayaa waxaa horay muran ka jiray cida loo magacaabi lahaa, waxaana xubno qaar oo uu ka mid ahaa Ceynte oo markii hore rabay xilkaas la sheegay in qaabka awood qeybsiga darteed uga suura geli weyday.
Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay buuxiso Safaaradaha banaan, maadaama xubnihii horay u hayay ay ka mid noqdeen Golaha Wasiirada iyo xilal kalena ka qabteen dowladda cusub.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *