Saturday, May 6, 2017

thumbnail

KUURIYADA WOQOOYI OO QARXISAY SIR WEYN “CIA-DA DALKA MARAYKANKA AYAA MALEEGTAY SHIRQOOL LAGU DILAYO KIM JONG-UN” HALKAN KAGA BOGGO.

Kuuriyada Waqooyi ayaa Waddamada Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ku eedaysay in dad u shaqeeya ay maleegayaan shirqool ay ku dilaan hoggaamiyahooda Kim Jong-un.

_95920318_5852a87a-5588-4733-9301-1a957d21189b
Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in lacag la siiyay qof ay “Kim” bas ah ku sheegeen si uu u gaysto weerar kiimiko loo adeegsaday, sida ay sheegtay wasaaradda amniga gudaha.
Waxay sheegtay in shirqoolkaas la fashiliyay Waqooyiguna “uu baaritaan samayndoono oo si aan naxariis lahayn u burburin doono” dadka ay soo dirsadeen Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi.
Maraykanka iyo Kuuriyada Waqooyi wali kama aysan hadlin eedaymahaas.
Sheegashadan Waqooyigu waxay ku soo aadaysaa iyadoo ay sare u sii kacayso xiisadda ka taagan gacanka Kuuriya.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu “xallin doono” arrinta Kuuriyada Waqoyi uuna joojin doono in ay kobciso nukliyeerkeeda.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *