Tuesday, May 2, 2017

thumbnail

Axmed Madoobe oo uu xaalka ku xun yahay iyo guuto xildhibaano ah oo ku dhawaaqay mucaaradnimo

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa soo wajahay xaalad aad u xun kadib markii ay soo shaac baxeyn xildhibaano mucaarad ku ah  oo gaarayo ilaa 30 Xildhibaan oo uu hormuud u yahay  Xil. Maxamed Cali Yuusuf oo xildhibaankii dhawaan uu Axmed Madoobe kasoo masaafuriyey Magaalada Kismaayo.

Xildhibaanadaan ayaa yagleelay yagleelay (Jinaaxa Mucaaridka Barlamaanka Juba-land). Go’aankan waxaa ku  xanbaaray, ka dib markaan u adkeysan waayeen arigtida fadhiidka ah iyo siyaasadda ma-dhaleyska ah ee Juba-land lagu hogaaminayey muddadii labada sano ahayd oo ay  xilka u hayeen dad-waynaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa reer Jubba-land.
Xildhibaanadaas oo uu hormuudka u yahay xildhibaan Maxamed Cali Yuuusuf ayaa soo bandhigay sababta ku kaliftay inay micaarad ku noqdaan Maamulka Jubbland, waxayna soo gudbiyeen qodobada hoos ku qoran:
  Barlamaanka Jubaland muddadii labada sano ee uu jiray ma jirto dastuur dib-u-eegis lagu sameeyey, shuruuc la diyaariyey, xukuumad lala xisaabtamay, madaxweyne su’aalo la weydiiyey, dadweyne loo adeegay iwm
 Madaxweynaha Jubaland shaqadiisu waxay noqotay diyaarad inuusan ka degin isagoo ay weheliyaan koox qoyskiisa ka tirsan, waana hogaamiyaha keliya ee safaradiisa eyan ku wehelin xubno ka tirsan golahiisa wasiirada iyo xildhibaanada Jubaland
 Madaxweynaha Jubaland waa hogaamiyaha keliya ee aanan booqan goobaha bulshada loogu adeego sida (Isbitaalada, Iskuulada iwm)
 Weli ma dhicin in madaxweynahu uu warbixin ka siiyo barlamaanka safaradiisa xadka dhaafay iyo faa’iidada ay dalka iyo dadkabau leeyihiin
 Sanad walba barlamaanka Jubaland wuxuu ansixiyaa miisaaniyad-sanadeedka Jubaland, majirto haba yaraato’e wasaarad hesha qoondadii ay ku laheyd miisaniyadda, mana jirto wax xisaab-xir ah
 Mar walbo uu madaxweynahu kalfadhiyada barlamaanka furayo amba xirayo wuxuu xildhibaanada u sheegaa iney tuuto xirtaan isuna diyaariyaan iney gawaarida dagaalka raacaan si dalka loo xoreeyo, taas oo aan shaqadooda ahayn,waxaana xusid mudan in shantii sano ee uu ahaa hogaamiyaha Jubaland uu dhaafi waayey 5km oo qura, Jubaland-na waxay ku soo uruurtay Kismaayo
  Barlamaanka Jubaland wax mushahar ama guno ah ma helo, marka laga reebo xoogaa sandareerto ah oo dhowrkii biloodba mar la siiyo, sidoo kale shaqaalaha dowladda iyo ciidamada Jubaland waa la mid, lacagtii ummadda ka dhexeysayna waxaa lagu dhisaa guryo qasriyo ah oo uu madaxweynuhu ku raaxeysto oo lagu magacaabo madaxtooyo
             Magaalada Kismaayo dadweynaha canshuur kuma baaqato, dekedda, Airport-ka, suuqyada, badda, goobaha ganacsiga IWM waxaa laga qaadaa canshuuro arxan darro ah, waxaas oo lacag ahna waxay ku danbeeyaan jeebka madaxweynaha iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga (JCCI)
 Wasiirada Jubaland dhamaantood waa magac-u-yaal, ma jiro wasiir xor u ah shaqadiisa, kuligoodna waxaka hoos shaqeeya wiilal yar-yar oo madaxweynaha qaraabo la ah, labada gelina waxay iska xaadiriyaan madaxtooyada
 In badan oo ka mid ah wasiiradda Jubaland ma lahan aqoon iyo khibrad ay ku shaqeeyaan, sidaasna waxa doonaya madaxweynaha JL
 Shaqaalaha mu’asasaadka dowlad-goboleedka Jubaland wax ka badan 85% waxay ka soo jeedaan qoyska madaxweynaha
 Ciidamada dowlad-goboleedka Jubaland wax ka badan 90% waxay ka soo jeedaan qoyska madaxweynaha
 Taliyayaasha ciidamada dowlad-goboleedka Jubaland wax ka badan 95% waxay ka soo jeedaanqoys madaxweynaha, tusaale: taliyaha nabadsugidda, taliyaha daraawiishta,taliyaha booliska, taliyaha madaxtooyada, taliyaha ciidamada federaalka, taliyaha airport-ka taliyaha dekedda iwm
 Laamaha garsoorka iyo cadaaladda dowlad-goboleedka Jubaland wax ka badan 95% waxay ka soo jeedaan qoys madaxweynaha, tusaale: xeer ilaaliyaha, guddoomiyaha maxkamadda gobolka iyo guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka, waana 3-da xil-garsooreed oo keliya ee ilaa iyo hadda magacaaban
 Commision-ka shaqada iyo shaqaalaha oo u xilsaaran iney imtixaan ka qaadaan shaqaalaha xafiisyada dowlada loo qaadanayo waa sadex xubnood oo ka soo jeeda qoyska madaxweynaha, cid aan qoyskooda ahaynna shaqo ma siiyaan, halka dhalinyaradii reer Jubaland ay shaqo la’aan derbiyada la yuuraraan
 Commision-ka qaxootiga waxaa madax ka ah nin ka soo jeeda qoyska madaxweynaha. Bishii April dabayaaqadeedii waxa dhacday deeq raashiin oo ay keentay dowlad Carbeed ayaa goobtii dadka muwaadiniinta ee u baahnaa loogu qaybinayey waxa soo weeraray ciidamada dowlada kuwooda madaxweynaha la heybta ah, dhacdadaas waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 2 ruux, raashiinkiina iyaga ayaa dhacay, cid dhacdadaas loo xirayna ma jirto
 Dhawaan waxa la magacaabay agaasimayaasha guud ee Jubaland, tirada guud 22 weeye, 12 ka mid ah waa qoyska madaxweynaha, barlamaanka Jubaland waa 75 xubnood 21 ka mid ah waa qoyskisa, golaha wasirada waa 18, 6 waa qoyskiisa
 Dhowr wasaaradood oo ay ka mid yihiin Maaliyadda , Ganacsiga, dekedda  iyo D/hoose ee Kismaayo shaqadooda waxa qabta rugta ganacsiga Jubaland (Jubaland Chamber of Commerce) waxayna canshuur sharci darro ah ka guraan muwaadiniinta  Soomaaliyeed, taas oo aan ummadda waxba loogu qaban
 Waxa jira kiisas fara badan oo ay geystaan xoogagga caburinta ee dowladda kuwaas oo muwaadiniinta lagu cadaabo, sida dad koronto lagu gubo, kuwo biyaha badda lugu ciqaabo, kuwo la jir dilo, handadaad, cago-jugleyn, kufsi   iwm, tusaale: dhamaadkii April waxaa askari ka tirsan ciidamada Jubaland uu si kibir ah oo foolxun u toogtay nin xoogsade ah oo u dhashay beesha Jareer-weyn, beeshaas waxay sameeyeen gadood, weyna diideen in meydka la aaso, koox ka socota madaxtooyada Axmed Madoobe ayaa ku qancisey in meydka la aaso, ninkii dilka geysteyna gacanta ayaa lagu dhiga , xabsiga ayaana loo taxaabay , waxayna ballanqaadeen in sharciga la marsiin doono, nasiib darro isla habeenkiiba beesha madaxweynaha ayaa askarigii danbiilaha ahaa xabsiga dhexe ee Kismaayo kala baxay, wayna fasaxeen.
  Dhibaatada ugu weyn ee ka taagan Kismaayo waa boobka dhulalka, kumanaan dadweyne ah oo hantidoodii xoog iyo xukun sharci darro ah looga dhacayo, guryo dhisan oo la duminayo, cidda dhulka boobeysa, ciidanka loo adeegsanayo boobka, maxkamadda xukumeysa dhamaantood waa beesha madaxweynaha isaga ayaana sidaas ku taageersan, sidoo kale dhamaan dhulalkii iyo guryihii dowladda Soomaaliya waxaa lagu wareejiyey kooxo madaxweynaha la heyb ah, cadaalad dariduna waxay gaartay heerkii u sareeyey abid
 Dad badan oo reer Kismaayo ah, dhul beereed ay ku lahaayeen duleedka magaalada waxaa dhulkoodii looga dhacayaa wax lagu sheego dan-guud, Maxjar, hey’ado in la dejinayo iwm, taas oon loo marin xeerarkii ay lahayd, iyadoo loogu daneynayo dad gaar ah
  Dhamaan awoodaha Jubaland sida fulinta, sharci dejinta iyo garsoorkuba waxay gacanta ugu jiraan madaxweynaha, taas oo Jubaland u ekeysiineysa sida lacagta shilin Soomaaliga (Kunaa-u-yar, Kunaa-u- weyn), mas’uulkii ama reerii ka dhiidhiya arimahaas foosha xun waxaa lagu shaabadeynayaa Al-shabaab ama Jubaland diid, taas oo marag u ah diciifnimada hogaamiyaha Jubaland
 Isbitaalka guud ee Kismaayo, waxaa agaasime ka ah nin madaxweynaha qoyskiisa ah, bisha April 2017 gudaheeda hey’ad lagu magacaabo ICRC waxay ugu deeqday in ay ka bixineyso mushaharka 16 shaqaale cusub ah, agaasimahu wuxuu qoray 15 qoyska madaxweynaha ah
 Labada iskuul ee ugu waaweyn Kismaayo waa H/dhaxe Bilaal oo aan aniga ku soo qaatay fasalka 1-aad ilaa fasalka 8-aad iyo H/dhaxe Calanley, waxa lagu wareejiyey koox madaxweynaha qoyskiisa ah oo ka dhigtay jaamicad private ah, iyadoo caruurtii degeneyd xaafadaha Calanley iyo Shaqaalaha ay dhib ku qabaan masaafada iskuulo aad ugu fog xaafadahooda
 Xiligii doorashooyinka dadban ay ka socdeen gobolada dalkeena, Jubaland waxay ahayd meeshii ugu darayd ee ay ka dhaceen tacadiyo, musuqmaasuq iyo ku-takrifal awoodeed, ilaa beelaha qaar ay u codeeyeen ciidamada maamulka oo lacago la siiyey, lagana dhigay beelo eyan u dhalan iyo ergo eysan ahayn
 Jubaland kama jirto xoriyad hadal, tusaale anigoo xildhibaan JL ah waxa layga hor-istaagay inaan barlamaanka hortiisa ka caddeeyo mowqifkayga mucaaradnimo, la’iimana ogola inaan si xor ah war-saxaafadeed ku qabsado hoteelada magaalada Kismaayo, taas badalkeedana waxay igu kaliftay inaan u soo safro caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho si aan ugu qabsado war-saxaafadeedkan, halkaasna waxaan uga egnahay North Korea. Dhanka kale Jubaland waa meesha keliya ee muwaadiniinta Soomaaliyeed laga tarxiilo, iyadoo loo musaafurinayo isla gudaha Soomaaliya, halkaasna waxaanu uga egnahay Saudi Arabia.
“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca Jinaaxa Mucaaridka Barlamaanka Jubaland, waxaan u soo jeedinayaa,dad-waynaha Soomaaliyeed, dadweynaha Jubaland kuwooda gudo-joogga ah iyo kuwooda dibad-joogga ahba, dad-waynaha tirada badan ee reer Juba-land oo siyaasadda ka aamusan, siyaasiyiinta Jubaland ee la go’doomiyey iyo beesha caalamka kuwooda daneynaya Jubaland in ay ka hanaqaaddo dimoqraadiyad iyo dowlad-wanaag, in xaalada Jubaland lasoo farogeliyo inta eyan faraha ka bixin, kuna burburin gacmaha hogaamiyaha fannaanka ah ee talada inoo haya ama eysan ku noqon dagaalkii sokeeye” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cali oo saxafadda la hadlay

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *