Monday, May 15, 2017

thumbnail

WAKHTIGA AY CIIDAMADA AMISOM KA BAXAYAAN SOOMAALIYA OO LAGU DHAWAAQAY + WAA GOORMA HALKAN KAGA BOGGO.

Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa uu shaaca ka qaaday waqtiga ay ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga dalka Somaliya ay ka bixi doonan dalkaasi.

Ururka ayaa sheegay in wakhti dhow in la soo gabagabeynayo howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ee Soomaaliya, sida uu sheegay guddoomiyaha ururka.
Howlgalka AMISOM ayaa Soomaaliya ka socda muddo ka badan toban sanno, waxaana tan iyo xilliga ciidamada qaybta ka ah AMISOM ay la dagaallamayeen ururka al-Shabaab oo loo arkaayey caqabada kaliya ee hortaagan nabadda Soomaaliya.
Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamet ayaa sheegay ururka inuu qorsheynayo sidii howlgalka AMISOM loo soo gabagabeyn lahaa sanadka 2018,xilliga oo ciidamada howlgalka ku jira ay isaga soo baxayaan Soomaaliya.
“Qorshaha ay ciidamada AMISOM uga baxayaan Soomaaliya waa mid ku salaysan shuruuc cad, wuxuuna hadda qorshaha yahay 2018 inay ka soo baxaan ciidamada Soomaaliya.” ayuu yidhi guddoomiyaha Midogwa Afrika.
AMISOM ayaa muddada dheer ee ay dalka Soomaaliya joogan, waxaa ay ku guuleysteen al-Shabaab in laga saaro magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo deegaanno badan oo ku yaalla gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka,laakin khatarta al-Shabaab ayaa wali taagan kuwaaso weerarro ka geystana Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ka mid ah.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *