Sunday, May 7, 2017

thumbnail

Itoobiya iyo Mareykanka oo Khilaafkii ugu weynaa uu ka dhex bilowday markii ay isku qabteen arrin ku saabsan Somalia

Dowladaha Mareekanka iyo Itoobiya ayaa isku qabtay arrin ku saabsan Soomaaliya, waxayna midaas keentay inay xiriirka ka dhaxeeyo uu aad u xumaado isla markaasna ay xiisada gaartay meeshii ugu sareysay.

Xogyaha Difaaca mareeykanka James Mattis ayaa wuxuu Booqday dhawaan Waddamo ku yaalla Bariga dhexe iyo Africa si uu u adkeeyo iskaashiga Military ee uu mareeykanku laleeyahay Wadamo ku yaala Bariga dhexe iyo Africa islamarkaan uu u dardar galiyo Saaxiibadda uu ku leeyahay.
Meelaha uu booqday waxaa kamid ah ahaa Wadanka Jabuuti oo uu mareeykanku ku leeyahay Saldhig Military oo istiratiji ah, hase ahaate Dowladdda Ethiopia ayaa ka Maqneeyd liiska Hore ee Wadamadda  Mareeykanku uu ku xisaabtamayo.
Xaaladda Itoobiya ayaa Mareekanka ayaa xumaatay kadib markii uu madaxweynaha Mareykanka  sheegay in gabi ahaanba la hakiyay lacagtaasi maadaama aysan jirin dagaal Muuqda oo ay dowladda Itoobiya ay kula jirto Al-Shabaab oo ku sugan qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.
Donald Trump ayaa sidoo kale Muujiyay sida ay muhiim u tahay in laga taxadaro dhaqaalaha lagu bixinaayo Al-Shabaab, isagoona balan qaaday in taageero buuxda la siin doonto Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ay ula dagaalamaan Al-Shabaab.
Bishii November ee Sanadii 2014kii Madexweeynihii Hore ee Mareeykanka Brack Obama ayaa sheegay in Dowladda Ethiopia ay Muhiim u tay ladagaalanka Al-shabaab, waxuuna xusay in dowladda Ethiopia ay Muhiim u tahy Dagaalka uu Mareeykanku kula jiro Al-shabaab iyo in laga Adkaado Argagixisadda.
Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Meesha laga saaray lacag dhan $150,000 oo Doollar ah oo uu mareykanka bilkasta u ku siinjiray Itoobiya dagaalka Al-shabaab.
Lacagtaasi ayaa Sanadkii dhan $1.8 Milyan oo Doollar, waxaaana hadakadib ay u gacan gali doontaa ciidamada Militariga  dowlada Soomaalia sida maamulka madaxweyne Trumpuu sheegay .
Maamulka Ethiopia ayaa Bishii January ee sanadkaan waxaa uu Muujiyay Walaaca uu ka Qabo Isbedela Mareeykan ku yimid iyo in uu Heli Doono Taageeradii Dowladda Mareeykanku ay siinjirtay Ethiopia Doorkeeda ku aadan la Dagaalanka.
Arrintaan ayaa noqotay hadal heynta ugu badan ee qaaradda Africa iyo Barigga dhexe, waxayna labadaan dowladood ahaayeen kuwa aad isugu dhow, waxayna inta badan siin jirtay mashaariic ku aadan la dagaalanka waxa loogu yeero argagixisada.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *