Sunday, May 7, 2017

thumbnail

DF oo shaacisay dilka horjooge sare oo ka tirsan Al-Shabaab (Xilka + Magaca)

5tii May 2017 ayey Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ay dileen Madaxii Al-Shabaab ee Shabeelaha Hoose Macalin Cismaan Cabdi Badil iyo seddex maleeshiyaadka kooxdaas ah.

Dhimashada hoggaamiyaha waxey wiiqeysaa awoodda kooxda argagaxisada ah ee ka howlgasha Shabeelaha Hoose, taa oo ah guul weyn oo u soo hoyatay ciidanka iyo nabadeynta gobolkaas.
Howlgalkan ciidanka waa mid dib loogu xoojinayo dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada ee Al-Shabaab iyo cabsida joogtada ah ee kooxdani ay ku cabsigeliyaan shacabka Soomaaliyeed.
Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxaa u furan fursad ay kooxdaas argagaxisada ah uga soo baxaan bacdamaa ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada Soomaaliya ay xoojinayaan dagaalka lagula jiro argagaxisada.
Ugu dambeyn dowladda Federalka Somaliya ayaa ugu baaqday dagaalyahanada Al Shabaab inay isku soo dhiibaan dowladda Federalka Somaliya inta aysan gacanta ku dhigin ciidamada xooga dalka Somaliya.


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *