Saturday, May 13, 2017

thumbnail

Sacuudiga oo ka jawaabay dalab kaga yimid Xaga Farmaajo

Dowlada Sacuudiga ayaa adduun lacageed ugu deeqday dowlada Federaalka ah ee Somalia, kadib markii Madaxweynaha dalka uu codsi u diray dowlada Sacuudiga.

Adduun lacageedkaani loogu yaboohay dowlada Federaalka ayaa waxaa dhanka Sacuudiga ka shaaciyay Amiir Maxamed bin Nawaaf oo shirka London u matalayey dalka Sacuudiga.
Amiir Maxamed bin Nawaaf, ayaa sheegay in dowlada Sacuudiga ay ka jawaabeyso dalab Bishii February 24, 2017 uga imaaday Madaxweynaha Somalia, xili uu ku sugnaa magaalada Riyadh.
Amiir Maxamed bin Nawaaf, in dowladiisu ay go’an ku gaartay inay garbiso dowlada Somalia, waxa uuna ballanqaaday in ka jawaabida dalabka Madaxweynaha Somalia uu qeyb ka noqon doono Mashaariic hor leh oo ay ka fulin doonaan magaalada Muqdisho.
Amiir Maxamed bin Nawaaf, ayaa sheegay in dalkiisa ay bixinayaan 10 Milyan oo Doolar taas oo wax looga qabanayo xaaladaha ka jira Somalia.
Amiir Maxamed bin Nawaaf, waxa uu intaa raaciyay in dowladiisu ay ka garab cayaari doonto Somalia, waxa uuna DFS ugu baaqay inay ka faa’iideystaan fursada hortaal.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somalia ayaa ka mahadceliyay kaalinta ay dowlada Sacuudiga ka qaadaneyso amniga Somalia, iyo dhaqaalaha yabooha ah.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *