Saturday, May 13, 2017

thumbnail

Sarkaalkii ay iska dileen Al-Shabaab oo la ogaaday inuu xiriir lasoo sameeyey dowladda

Mid kamid ah saraakiisha Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa toogasho ku dilay mid kamid ah ilaaladiisa, waxaana dilkaas kasoo baxay warar kala duwan.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Baxar Cali Shire. wuxuuna Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Gedo oo ah meel ay dagaan Beesha Madaxweyne Farmaajo.
Waxaa lagu dilay degmada Ceel Cadde gaar ahaan Likoley, waxaana hadda soo baxayo warar sheegayo inuu Sarkaalkaan xiriir lasoo sameeyey dowladda dhexe si uu uga soo goosto Ururka Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey in sarkaalka la dilay uu xiriir lasoo sameeyey dowladda Soomaaliya, iyadoo arrintaas loo maray hab beeleed, waxaana isla markiiba la sheegay inay ka war heleen ururka Al-Shabaab oo ilaaladiisa ku amray in la toogto.
Waxaa jiro warar kala duwan oo laga sheegayo falkaan, waxayna wararka qaar sheegayaan in dilkaan uu gaar u ahaa kaliya ilaaliyihii dilka geystay oo ka baxsaday meesha uu dilka ka dhacay, lamana xaqiijin waxa dhex maray isaga iyo sarkaalka taasoo keentay in la dilo.
Ururka Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore dhexdooda iska dilay saraakiil ururka ka tirsanaa oo qaarkood looga shakiyey inay dowladda xiriir la yeesheen.
Madaxda Al-Shabaab ilaa hadda kama aysan hadli dilka dhacay iyo qaabka uu ku yimid iyo haddii ay iyaga wax ka ogaayeen.
Sidoo kalana si rasmi ah dowladda Soomaaliya ugama hadlin wararka sheegayo inay sarkaan wada hadal la furtay, waxaana la rajeenayaa in dhawaan dilka sarkaalkaan laga heli doono xog badan.



Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *