Tuesday, May 2, 2017

thumbnail

Sarkaal xil muhiim ah u hayay Al-Shabaab oo isku dhiibay Jubbaland (Magaca)

Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inuu isku soo dhiibay Sargaal muddo farabadan ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab ee dagaalka kula jira DFS iyo AMISOM.

C/rashiid Xasan C/nuur oo ah Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland, ayaa sheegay in Sargaalkaasi uu xilal kala duwan kasoo qabtay Al-shabaab.
Wasiirka ayaa sheegay in Sargaalkaani uu lasoo sameeyay xiriir kala duwan, ugu danbeyntiina uu soo galay gacanta ciidamada Jubbaland, gaar ahaan kuwa loo yaqaan daraawiishta ee ku sugan Degaanka Dhamaso oo ku yaalla Degamada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo.
Sargaalkaani ayaa waxaa lagu magacaabaa C/kariim Sheekh Xasan, waxa uuna Kooxda u qaabilsanaa dhinaca caafimaadka Gobolka Gedo.

Sargaalkaani ayaa xiliga uu soo goosanaayay watay Hubkiisa waxaana kala wareegay Maamulka Jubbaland oo hadda ku haya baaris.
Maamulka Jubbaland ayaa inta badan gacanta ku dhiga Saraakiil iyo Dagaalyahaano ka tirsan Al-shabaab inkastoo aan dib loo maqal hadal heyntooda isa soo dhiibida kadib.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *