Waxaa daqiiqo ka hor xafiiska Hanti dhowrahii xilka laga qaaday Nuur Faarax JImcaale ka dhacday xil wareejin uu isaga ka maqnaa kadib markii uu diiday inuu imaado.
Xaflad kooban oo lagu qabtay xafiiska Hanti Dhowrahii qaranka ayaa xilkii si rasmi ah loogu wareejiyey ku xigeenka Hanti dhowraha Cali Abuukar Axmed oo shaqadaan si kumeel gaar ah usii heyn doono.
Wararka ay Caasimadda Heleyso ayaa sheegaya in Xafiiska Hanti Dhowraha la jabiyey kadibna halkaas xil wareejin lagu qabtay, maadaama uu isaga qaatay furihii xafiiska isla markaasna uu diiday inuu xilka wareejiyo.
Hanti Dhowrihii qaranka ayaa loo qabtay inuu hal saac gudaheed ku yimaado Xafiiska isla markaasna uu xilka wareejiyo balse midaas ma dhicin, waxayna keentay in xafiiskiisa la jabiyo si loogu wareejiyo ku xigeenkiisa oo kumeel gaar loogu magacaabay
Waxaa halkaas ku sugnaa Wasiiro ay kamid ahaayeen Maaliyadda, Cadaaladda iyo Amniga Qaranka.
Waxaa saxaafadda la hadlay Wasiirka Cadaaladda oo halkaas ka sheegay in Hanti dhowraha xilkii laga qaaday, wuxuuna ka dhawajiyey inuu si kumeel gaar ah xilkaas usii heyn doono ku xigeenkiisaSubscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments