Monday, May 15, 2017

thumbnail

XUKUUMADDA OO SHEEGTAY IN XIDHIIDHKII RUUSHKA IYO SOMALILAND LA SOO NOOLAYNAYO.

Safiirka Somaliland ee dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed ayaa ka hadlay wefti ka socday dalka Ruushka oo dhawaan soo gaadhay Somaliland.

Waftigan oo uu hogaaminayay kuxigeenka safiirka ruushka u qaabilsan Jabuuti ayaa uu safiirku sheegay inuu Somaliland u yimi sidii loo soo noolayn lahaa xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeya dawladda Somaliland iyo Ruushka.

Safiirka Somaliland ee dalka Jabuutoi oo arrimahaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:
“Socdaalka (weftigii Ruushku) wuxuu ahaa ama ujeedadiisu waxay ahayd in xidhiidhkii soo jireenka ahaa aan soo celino waxayna weftigaasi soo booqdeen meelo badan oo taariikhiya oo gobolka Saaxil gaar ahaan caasimadiisa Berbera ka tirsan oo ay ugu horrayso xaafaddii Moscow la odhan jiray, dekedda oo saddex boqol oo mitir ay dhiseen, madaarka iyo meelo badan oo ay baysyo ku lahaayeen.”


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *