Wednesday, May 3, 2017

thumbnail

MADAXWAYNE ADIGU WAXBA MA XADID EE KUWII AAD AAMINTAY AYAA XADAY OO UMADDII MIDH UMA HADHIN” AQOONYAHAN CABDIKARIIN AXMED MOOGEE.

Madaxweyne ummadan danteeda ayaa ku jirta in musuq-maasuqa lala dagaalamo iyo in la ilaaliyo hantida ummadda goor kasta, lakiin intan aad maanta tidhi ayuun bay ahayd in aad tidhaahdo
maalintii 27 Juulay 2010 ee aad sida rasmiga ah ula wareegtay xilka madaxweynenimo, isla markaana aad ficil u badasho lixdii sano ee tagay oo aad saxeexaga awooda badan ee madaxweyne aad ka ilaaliso in lagu xalaalaysto dhul ama guri ummadani lahayd.
Waan kugu raacsanahay oo aduu waxba maad xadin lakiin kuwii aad aamintay ayaa ummaddan xadey oon midhba u hanbayn. Maanta ilaalinta waxa ka fiican in aad soo saarto wareegto madaxweyne oo aad ku soo celinayso dhamaan dhulkii iyo guryihii ummadani wada lahayd ee la boobay Sidoo kalena aad xilalka qaranka ka qaado xubnaha dawladaada ka midka ah ee lagu xanto musuq-maasuqa ragaadiyay qarankan yar ee Somaliland
Hayada Maamul Wanaaga iyo Hanti Dhawrka Qarankuba ee aad maanta la dardaarantay wey jireen 6dii sano ee tagay wax ay ilaaliyeena ma jiraan! Maanta oo doorashadii ay ka hadhay bilo u malayn maayo in ay wax qaban doonaan! ee waxa ka dhib yar madaxweyne adoo amra in ummadda loo soo celiyo wixii hanti hore laga dhacay iyo in aad amarto in mudada yar ee kuu hadhay in aad joojiso ama xayirto in la bixiyo wixii hambo ka sii nool dhul ama guryo ummaddeed oo hada boob ku socdo magaalo kasta oo Somaliland ku taal.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *