Saturday, May 13, 2017

thumbnail

Dagaal Beeleed Qadhaadh oo ka dhacay gobolka Galgaduu

Dagaal aad u xoogan ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Labi caano oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba beel oo wada degta deegaanka waxaana la xaqiijiyay in halkaa uu ka dhashay khasaaro kala duwan.
Dagaalka ayaa waxaa leysu adeegsaday Hubka culus, oo qaarkood u gudbaayay deeganada, waxaana xusid mudan in dadka deegaanka ay ka barakaceen dagaalka.
Degaanka Labi Canaao ee uu ka dhacay dagaalka xoogan ayaa waxa uu ka mid yahay degaanada hoos yimaada Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Gobolka Galgaduud.
Inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa waxaa ku dhintay 9 ruux oo labada dhinac ah, halka dhaawacana uu gaarayo ilaa 13 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah.
Dagaalka ayaa hada la sheegay inuu qaboobay waxaana iminka halkasi gaaray cidamo farabadan oo ka tirsan Ahlusuna.
Ma jirto cid ilaa iyo hada ka hadashay dagaalka uu dhiiga badan ku daatay, waxaana xusid mudan in dagaalkaani uu yahay kan ugu khasaaraha badan.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *