Tuesday, May 2, 2017

thumbnail

Xog dheeri ah: Villa Somalia oo weli laga dhex baadi-goobaayo xubno ka tirsan Al-Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa howlgal ay ciidamada dowlada ka sameeyen gudaha Xarunta Villa Somalia oo la sheegay inay ka dhex shaqeeyan xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada dowlada ayaa gacanta ku dhigay Maleeshiyaad looga shakisan yahay inay la shaqeeyan Al-shabaab, kuwaa oo isagu jira Askar iyo Shaqaale caadi ah.
Askarta ilaa iyo hadda la qabtay ayaa la xaqiijiyay in Villa Somalia ay galeen wixii ka danbeeyay guusha Madaxweyne Farmaajo kuwaa oo aan la shaqeyn cid gaar ah, balse saldhigtay Xarunt Vill Somalia.
Askarta ayaa waxaa lala qabtay ruux isna la sheegay inuu ka tirsanaa shaqaalaha Villa Somali, kaa oo xogaha Madaxtooyada si toosa ula wadaagi jiray Maleeshiyaadka Al-shabaab.
Ciidamda ayaa sidoo kale ku raad jooga ilaa 5 kale oo ay ku jiraan Askar kuwaa oo la xaqiijiyay in la dhageystay Telefoonadooda gacanta, balse xiliga howlgalka ku maqnaa fasax.
Askarta iyo qofka shaqaalaha ah ee laga dhex qabtay Villa Somalia ayaa dhammaantooda lagu helay tuhun la xiriira inay ka tirsan yihiin Al-shabaab waxaana iminka baaritaankooda la wareegtay Hay’adda NISA oo howlahaasi ku shaqo leh.
Ciidamada ayaa wali wada baaritaano kale oo lagu hayo dhowr Askar oo iyaguna looga shakisan yahay in xiriir dhow ay la leeyihiin Al-shabaab kuwaa oo iyaguna lagu hayo baadi-goob.
Dhinaca kale, Askarta iyo Shaqaalaha la tuhunsan yahay ayaa Villa Somalia lagu dhex arkay wixii ka danbeeyay doorashada kadib.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *