Faddeexado salka ku
hayaey is-muquunin iyo awood kala riixasho horleh, ayaa ka dhex-qarxay laba
garab oo ka wada tirsan Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kuwasoo ay kala
hoggaaminayaan Wasiirka
Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi Iyo Wasiirka
Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Loolanka ka dhex aloosan
labadan garab, ayaa sida ku cad xogo Wargeyska Yool ka helay ilo-wareedo ku
dhow-dhow Madaxtooyadda Somaliland, waxa si rasmi ah is-haysigoodu u
daah-furmay saddex Todobaad ka hor, kadib markii si badheedh ah Wasiir Marwo.
Samsam Cabdi Aadan laga hor-joogsaday inay gasho qasriga Madaxtooyadda.
inkastoo ilaha Wargeysku xogta ka helay, ka
qaws-qabsadeen faahfaahinta ujeedada Wasiiraddu ka lahayd booqashada
Madaxtooyadda, balse haddana waxa xogaha qaarkood masuuliyadda amarka is
hortaaga ku xidhiidhiyeen inuu ka dambeeyey Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud
Xaashi Cabdi, wallow Wasiir Maxamuud Xaashi aanu si fool-ka-fool ah u fulin
isaggu, hase-ahaatee dadka isha ku hayey dhaq-dhaqaaqa labada garab ee is haya,
ayaa tibaaxay in tallaabada is hortaaga oo ahayd fariin awood sheegasho, taasoo
u si dad-ban Wasiir Maxamuud Xaashi ugu di’raayey Wasiiradda Maaliyadda Marwo
Samsam Cabdi Aadan.
Sidoo
kale, amuurtan iyadda ah waxa wararku xuseen inuu Wasiir Maxamuud Xaashi
fulinta amarkan u adeegsaday agaasimaha Baratakoolka Madaxtooyadda Md. Abshir
Xasan, oo sida la sheegay dhowaan xilkan loo Magacaabay, iyo sidoo kale,
Agaasimaha wasaaradda Madaxtooyadda Marwo Khadra Xaaji Gaydh.
Geesta
kale, khilaafka iyo loolanka laba geesoodka ah ee xilligan ka dhex istaadhmay
xubnaha ugu tunka-weyn Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxa mar labaad
laba dhinac fooda is dareen shirkii golaha Wasiiradda ee Todobaadkii ina
dhaafay, kulankaasoo sida Wararka lagu sheegay intii u socday la isku
dhaafsadday weedho kulkulul, oo iskugu jiray eeddo iyo faddeexad, waxa xogguhu
intaa raaciyeen in Wasiirka Madaxtooyadda iyo xubnaha garabkiisu miiska soo
dhigeen cidda leh masuuliyadda iyo eedda sixir-bararka farraha baas ku haya
dalka, arrinkaasoo sida la sheegay Golaha ka dhex abuurtay buuq iyo sawaxan
xuduntiisu ahayd weerar iyo difaac si dad-ban ay isku dhaafsanayeen xulufadda
labada garab Madaxweynaha hortiisa.
Docda kale, muranka iyo is-maandhaafka kooxahan aan weli siyaasadda ku digo-jebin,
maha mid intaa ku’eg, hase-yeeshee sida ay ku doodaan dadka u kuur-gala
siyaasadda laba boglaynta ah ee lagu xidhiidhiyo xubnaha Golaha Wasiiradda ee
Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyo sidoo kale siyaasadda ku salleysan laba
daran mid dooro ee u dhaxaysa hoggaamiyaasha Xisbiga KULMIYE iyo Xukuumadda,
waxay sheegen in khilaafka labada dhinac uu yahay mid xididaystay oo u hadda
gaadhay heer la isku adeegsado Warbaahinta labada daraf kala taageersan.
Waxa
kaloo, khuburadda dhaq-dhaqaaqa arrimahan la socday doodooda ah in khilaafka
labada dhinac aanu ahayn mid loo maaro hellaayo isoo daliishadeen in Wasiirka
Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan oo sida looga bartay kolka Madaxweynuhu
safar dalka gudihiisa ah u baxaayo raaci jirtay gaadhiga Madaxweynaha iyo
Marwadiisu la socdaan in laga dhex-waayey Wasiiradda Maaliyadda safarkii
Madaxweynuhuu Arbacadii doraad ku tagay Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil,
hase-yeeshee la socodka kolonyadda waftiga Madaxweynaha iska daayo, ay Maalin
ka hor u baxday Magaaladda Berbera iyaddoo halkaas kusii sugaysay Madaxweynaha
iyo Waftigiisa.
Haddaba, inkastoo sida laga soo werinayo qasriga Madaxtooyadda ay labada dhinac
isku dhaarsan yihiin, haddana waxa socda oo qolo waliba dhankeeda ugu hawlan
tahay kala riixashada iyo xod-xodashada xubnaha golaha Wasiiradda ku weheliya
ee aan weli iyaggu docna raacin. Tusaale ahaan, waxa xoggaha qaarkood sheegay
in lasoo af-jaray khilaafkii u dhexeeyey Wasiirada hawlaha guud iyo
Madaxtooyadda, kadib curashada loolanka laba geesoodka ah ee u dhexeeya
Wasiirada Maaliyadda iyo Madaxtooyadda awgii. waxa kaloo dadka qaarkood
iftiimiyeen in xiisadan ka dhex-taagan Wasiiradda Maaliyadda iyo Madaxtooyadda
inay isku soo dhoweysay Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Iyo
Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo sida laga wada War qabo
iyaggu isku hayey dumaasha Gudoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi dabadii, balse hadda
ay ka wada socdaan ama isku aragti ka yihiin dagaalka ka dhanka ah Wasiiradda
Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo qodobka labaad oo ah in xilka Wasiirka
Maaliyadda loo magacaabo Md. Cali Mareexaan, iyaggoo laban masuul arrinka
bedellaada Wasiir Samsam u daliishanaya aafadda sixir-bararka ee dalka ka
taagan.
Wasiir
Samsam Cabdi Aadan oo iyaddu xidhiidh dhow oo kalsoonidiisa leh la wadaagta
Madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisa, wallow lagu xidhiidhiyo inaanay la
dhacsanayn musharraxnimada Muuse Biixi ee Xisbiga KULMIYE, balse waxa arrimuhu
kala cadaan doonan Todobaadyada soo socda marka arrimuhu dhinac uun u dhacaan.
Xigasho:(HTN-)
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments