Tuesday, May 2, 2017

thumbnail

Maxaa Kheyre ku qasbay bahdilaadii uu ku sameeyey Beyle + Saddex arrin oo loo….

 Inkastoo Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Beyle qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ah ku cadeeyay in uusan jirin wax khalad ah oo ka dhex dhacay isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha, hadana waxaa soo baxaya dul duleelo muujinaya in Ra’iisul Wasaaraha ku kalsoonaan
waayay Wasiirka iyo Wasaaradaba.
Xasan Cali Kheyre ayaa faragelin toos ah u sameeyey wasaaradda Maaliyadda markii uu meesha ka saaray amaro uu soo saaray wasiirka Maaliyadda, taasoo la doonayey in lagu saxo  musuq maasuq dhacay xilligii dowladdii Xasan Shiikh ee watigeeda dhammaaday, gaar ahaan heshiisyo lala galay shirkado gaar loo leeyahay oo la saxiixay qandaraasyo.
Caasimadda Online ayaa xafiiska wasiirka Maaliyadda ka heshay xog badan oo arrintaas ku saabsan, waxayna xogtaas tilmaameysaa inuu Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre daba mareeyey go’aan uu soo saaray wasiirka Maaliyadda kaasoo ku saabsanaa in shirkadaha adeegga dowladda qabta ee heshiiska kula jiro dowladda ay lacagaha ay qabtaan ku shubaan bankiga dhexe.
Madaxda shirkadahaas ayaa dacwad u gudbiyey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya, waxayna la qaateen kulamo xasaasi ah o keenay inuu Xasan Cali Kheyre laalo go’aankii uu soo saaray wasiirka Maaliyadda.
Haddana waxaa mar kale dhacday faragelin toos ah oo uu sameeyey Ra’isulwasaare Kheyre kadib markii Qoraal uu u diray bishii la soo dhaafay Wasiirka Maaliyadda iyo Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha iyo Dhaqaalaha ku ogeysiiyay Hanti dhowrka Guud, Maamulaha Furdada Dekeda Xamar iyo Maamulaha Furdada Garoonka Aadan Cadde ayaa lagu yiri sidan:-
“Waxaa waayadan dambe soo if baxay warar muujinaya inuu jiro isku day la xiriira in si qaldan looga faa’ideysto sharciga canshuur dhaafka, iyadoo waraaqado been abuur ah loo sameysanayo agabka ama badeecada dibadda ka soo degta, si loo codsado canshuur dhaaf aan sharci aheyn”ayaa lagu yiri qoraalka Ra’iisul Wasaaraha.
“Hadaba si taasi loo xakameeyo Wasaaradda Maaliayadda ee warqadani sida tooska ugu socoto waxaa la farayaa in aan la bixin karin wax canshuur dhaaf ah, iyada oo aan ogolaansho laga helin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, codsiga canshuur dhaafka waxaa loo mari doonaa sida hoos ku qoran:-
1- in marka hore ay waajibaadkooda  shaqo ka gutaan xafiisyada Wasaaradda Maaliyadda ee u xil saaran diiwaan gelinta qiimeynta iyo hubinta codsiyada canshuur dhaafka
2- in Liistada codsiyada canshuur dhaafka loo soo gudbiyo Ra’iisul Wasaarahada Xukuumadda, iyada oo ay ku lifaaqan tahay dockumentiyadii oo dhameystiran iyo soo jeedinta Wasaaradda ee ku aadan go’aanka canshuur dhaafka ka hor inta aan codsadaha jawaab la siin
3- Ogolaanshaha kama dambeysta waxaa is ka leh Ra’iisul Wasaaraha, qoraal ahaan ayaa loogu gudbin doonaa Wasaaradda Maaliyadda.
Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inay labada mas’uul ka dhex tafan tahay isla markaasna uu Ra’isulwasaaraha ku takri falay awoodii uu lahaa wasiirka Maaliyadda, taasna ay tahay qalad marka la fiiriyo sharciga.
Ilaa hadda lama ogo sababta rasmiga ah ee keentay inuu wasiirk Maaliyadda inkiro culeyska muuqdo ee uu Ra’isulwasaaraha ku hayo, balse waxaa xaqiiq ah haddii ay sheekada sidaan kusii socoto inay arrintaan banaanka usoo bixi doonto.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *