Friday, May 12, 2017

thumbnail

MAXAKAMAD LOO GUDBIYEY DACWADO LID KU AH SADDEXDA DALAAQOOD EE RAGGA MUSLIMIINTU KU FURAN DUMARKODA

Maxkamadda sare ee dalka Hindiya ayaa si rasmi ah u billawday dhagaysiga dacwado dhawr ah oo laga soo gudbiyay qaabka ay Muslimiintu isu furaan ee dalaaqa loo yaqaanno.

Maxkamaddu waxay sheegtay in ay baadhayso in furitaanka saddexda dalqadood ah uu aasaasi u yahay diinta Islaamka.

Hindiya ayaa ka mid ah meelaha ay raggu awoodaan in ay haweenka ku furi karaan in ay saddex jeer yidhaahdaan  “waan ku furay ama saddexdii dalaaqood baad igaga furan tahay”. Laakiin qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ee Hindiya ayaa sheegaya in dhaqankaasi uu cunsuriyadaynayo Haweenka.

Ururro badan oo Muslimiin ah ayaa maxkamadda ku dhaliilay in ay soo dhexgashay arrimo Diimeed, inkastoo tallaabadan ay taageero ka haysato Xukuumadda ra’iisalwasaare Narendra Modi.

Arrintan xasaasiga ah waxaa dhagaysanaya shan garsoore oo aaminsan diimo kala duwan oo kala ah Hindu, Sikh, Zoroastrian iyo mid Muslim ah.

Garsooreyaashan ayaa isku daray dacwado kala duwan oo ay soo gudbiyeen haween Muslimiin ah iyo qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda si ay baadhitaan ugu sameeyaan.

Dadka ka soo horjeeda ayaa la siiyay saddex maalmood si ay u soo gudbistaan dacwadahooda, maxkamadduna waxay sheegtay in dhagaysiga soo afjari doonto 19ka bishan May.

Waxaa la filayaa in maxkamaddu ay go’aan gaadho toddobaadyada soo socda. Muslimiinta Hindiya oo ah 155 milyan oo ruux ayaa ah bulshada ugu badan ee bulshooyinka laga tiro badan yahay ee dalkaas, arrimahooda guurka iyo furniinkana waxay ku xaliyaan sharaceeda Islaamka, dawladduna faraha lama gali jirin.

In Muslimiinta Hindiya ay arrimaha guurka iyo furniinka u madaxbannaanaadaan oo ayna dawladdu dhexgalin waxay soo billaabatay sannadkii 1937dii.


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *