Saturday, May 20, 2017

thumbnail

Wasiiro iyo xildhibaano ku socda wadadii uu ku baxay wasiir Siraaji

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia kusoo kordhaaya Wasiirada iyo Xildhibaanada ka tirsan DFS ee aan heysan gaadiidka xabada celsha ee munaasibka ku ah.

Gaadiidka isticmaala wadada Makka Al-mukarama iyo waddooyinka kale ayaa waxaa ku dhex arkeysaa gaadiid nooca raaxada ah oo ay wadaatan Wasiiro, ku-xigeeno iyo Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia kuwaa oo aan dareensaneyn xaalada amni ee magaalada Muqdisho.
Wasiirada iyo Xildhibaanada qaar oo leh ilaalo gaara ayaa u muuqda kuwo kusoo dhuunta ilaaladooda sababo la xiriira in waxbadan laga ogaado goobaha khaaska u ah oo ay gaarayaan.
Ciidamada dowlada ee waddooyinka magaalada ku isticmaala gadaadiidka dagaalka ayaa inta badan rasaas ku rida gaadiidka raaxada oo ay wataan dadka shibilka ah, waxaana suuragal ah in mas’uuliyiinta ku dhuunta gaadiidka raaxada ee aan la socon ilaalada ay kamid noqdaan kuwa loo isticmaalo rasaasta noolnool.
Dowlada Federaalka ayaa ka gaabisay in mas’uuliyiinta ay xilalka u magacawday ku wareejiso gaadiidka munaasibka ku ah ee aanu xabadu karin kuwaa oo sida la xaqiijiyay ku jira Garaashyo lagu keydiyo gaadiidka oo ku dhexyaal Villa Somalia.
Dowlada Federaalka ayaa u muuqaneysa inay is ilowsiineyso mas’uuliyada ka saaran shaqsiyaadka xilalka u haya sida Wasiirada, Ku-xigeenada iyo Xildhibaanada oo la rumeysan yahay inay yihiin kuwo dayacan.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa dayacnaanta iminka muuqata ku baxay allaha u naxariistee Wasiirkii Hawlaha Guud ee Xukuumadda Somalia, Cabaas C/laahi Sheekh Siraaji, oo xili uu watay gaari nooca raaxada ah lagu hor dilay Villa Somalia.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *