Saturday, May 27, 2017

thumbnail

BUDHCAD-BADDEED SOOMAALI AH OO AFDUUBTAY DOON KALLUUMEYSI OO LAGA LEEYAHAY KUURIYADA KOONFUREED

Budhcad Badeed Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa inay afduubteen Doon Kalluumeysi laga leeyahay dalka Koofur Kuuriya.

burcad-badeed-280x175






Doonidan ayaa waxaa saarnaa 18 shaqaale u dhashay dalalka Koofur Kuuriya iyo Indonesia, waxaana xidhiidhka la waayay markii la afduubtay.

Wasaaradda Difaaca ee Koofur Kuuriya ayaa sheegtay in Doonida Kalluumeysi ay uga shakisan tahay inay afduubteen kooxaha burcad badeedka.

Madaxweynaha Koofur Kuuriya ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah loo soo furto doonida kalluumeysiga ee laga afduubtay biyaha Soomaaliya.

Markab dagaal laga leeyahay Koofur Kuuriya oo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee la dagaalamaya burcad badeedka ayaa bilaabay howl gal lagu baadigoobayo doonidaas.

Shiinaha, Thaliand, Koofur Kuuriya iyo Iiraan ayaa ah dalalka ugu badan ee sida sharci darada uga kalluumeysta biyaha dalka Soomaaliya.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *