Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in kooxo hubeysay ay ku dileen duleedka magaalada Beledweyne labo caruur ah iyo labo haween ah.
Dilka ayaa ka dambeeyay kadib markii kooxaha hubeysan oo la sheegay in qaab beeleed ay u abaabulnaayeen inay dilkaasi ka dambeeyeen.
Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa saxaafada u sheegay in dadka dilka geystay iyo kuwa la dilay reerahooda inay ku dagaalameen deegaano gobolka ka tirsan taasi oo sababtay in aano qabiil loo dilo.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in afarta ruux ay ku sugnaayeen deegaan ku yaala duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Dadkaana yaa gelinkii dambe ee maanta lagu dilay deegaanka Baar oo qiyaastii 30 km u jira galbeedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta soo saaray amar deg deg ahaa oo la doonayay in lagu joojiyo xiisadaha dhanka qabiilka ee maalmahaan ka taagnaa deegaano Hiiraan ka tirsanaa.Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments