Saturday, May 6, 2017

thumbnail

12 KA MID AH HABLIHII LAGA QABTAY MADARASADA BOODHINKA AH OO SHALAY GALAB LAGA DHOOFIYAY HARGEYSA.

Laba iyo toban hablood (12) oo reer Somaliland ah oo toddobaadkan laga soo qabtay dugsi boodhin ah oo ku yaala magaalada Hargeysa, ayaa shalay dalka laga dhoofiyay, iyagoo
ku jihaysan dalal ay dhalashadooda haysteen oo ay markii hore ka yimaadeen.
Warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay in 12-kan hablood oo ka mid ah koox hablo ah oo dhawaan ay ciidamada ammaanku ka soo qabteen dugsi hooy ah oo lagu barayay diinta Islaamka, la saaray duulimaadkii galabnimo ee shalay ka baxay madaarka Cigaal ee Hargeysa, waxaana  haba yaraate markii ay habluhu dhoofayeen aan la socon waalidkood, waxase weheliyay saddex ruux oo ajaanib ah.
12-ka hablood ayaa 8 ka mid ahi waxa ay u socdaaleen dalka Ingiriiska, mid Kanada ah, Mid Denmark ah, Maraykanka oo ah hal gabadh ah iyo Mid u socdaashay dalka Finland.



Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *