Wednesday, May 3, 2017

thumbnail

Xog-warran: Sidee ayuu u dhacay dilkii wasiir Cabaas Siraaj + Sawirro

Sida aan wararkeena hore ku sheegnay waxaa goordhow iridka Villa Somalia lagu toogtay Wasiirkii Howlaha Guud iyo Dib udhiska DFS Cabaas C/laahi Shiikh Siraaji.

Wasiirka ayaa waxaa toogtay ciidamo ka tirsan DFS, oo la socday gaari nooca loo yaqaan Hilux oo uu la socday ma’suul katirsan dowlada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa waxaa la xaqiijiyay in rasaas ay ku fureen ilaa Seddex Askari oo qeybta danbe ka saarnaa Gaariga Hilux ee uu la socday mas’uulka ka tirsan DFS.
 Wasiirka la dilay ayaa sidoo kale la sheegay inuu la socday hal Askari oo isna uu dhaawac soo gaaray sida laga soo xigtay mid kamid ah Saraakiisha Booliska ee goobta gaaray.
Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay ciidamadii dilka ka dambeeyay, kuwaasoo la sheegay inay ahaayeen Ilaalada Hanti dhowrka Guud ee Qaranka.
Cabaas Siraaji, ayaa bishii November ku soo biiray Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Somaliya, ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Kismaayo.
Geesta kale, Siraaji oo ka mid ahaa Xildhibaanada ugu da’da yar ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa ku soo barbaaray xeryaha qaxootiga ee ku yaala Degmada Dhadhaab ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.




Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *