Saturday, May 27, 2017

thumbnail

Khasaare intee la’eg ayaa ka dhashay dagaalkii maanta ka dhacay Sh/Hoose

Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxaya Dagaal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Muuri oo qiyaastii 10 km u jira degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose.


Dagaalka ayaa u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed oo wada degta deegaanka Muuri.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Maleeshiyaad ku sugan deegaankaasi Muuri ay weerar ku qaaden Maleeshiyaad kale.
Dagaalka ayaa maanta dhacay muddo laba jeer waxaana la xaqiijiyay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay inkabadan 7 ruux oo ka kala tirsan labada dhinac, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa Sagaal ruux oo isugu jira labada dhinac iyo dad shacab ah.
Dagaalka ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan dowlada Federaalka ay ku baaqday in la joojiyo dagaalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *