Saturday, May 6, 2017

thumbnail

MADAXWEYNAHA MARAYKANKA OO KA HADLAY ASKARI MARAYKAN AH OO LAGU DILAY GUDAHA SOMALIYA + WEEDHA UU KU CABIRAY ASKARIGAASI GEERIDIISA.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa ka hadlay dil askari katirsan ciidankooda loogu geestay gudaha Soomaaliya ,kadib howlgal ciidanka Milatariga ka qeyb qaateen oo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.


Donald Trump ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid askariga katirsanaa ciidanka Mareykanka ee lagu dilay duleedka Degmada Afgooye, waxa uuna tilmaamay in askariga uu dhintay isaga oo waajibaadkiisa qaran gudanaya.
Waxa uu ku hanjabay Madaxweynaha dalka Mareykanka in ay sii xoojin doonaan howlgalada iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, waxa uuna xusay in howlgalo dhinaca cirka ah ay qaadi doonaan.

Howlgal ay ka qeyb qaateen ciidamo Mareykanka ah oo habeen hore ka dhacay deegaan katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu dilay askari katirsanaa cidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowlada Mareykanka. 

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *