Sunday, May 7, 2017

thumbnail

URURKA BOKO XAARAAM OO SII DAAYEY 82-DUMAR AH OO KA MID AH HAWEEN UU AF-DUUBEEN SANADKII 2014.

Sideetan iyo laba ka mid ah gabdhihii iskuulayda ahaa ee sanadkii 2014 laga afduubtay magaalada Chibok, ayaa waxaa soo daayay ururka Boko Xaraam, waxaana hadda gacanta ku
haya milateriga Nigeria, sida ay BBC u sheegeen ila wareedyo.
Sii deyntan gabdhahan ayaa ka dhalatay wadaxaajood dhex maray dowladda Nigeria iyo ururka Boko Xaraam.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gabdhaha gawaari looga soo qaaday deegaan go’doon ah, ka dibna la geeyay saldhig ciidan oo ku yaalla Banki, taasoo u dhaw soohdinta ay Nigeria la leedahay Cameroon.
Waa markii labaad oo ay dowladda Nigeria ku guulaysato soo celinta qaar ka mid ah gabdhihii laga qafaashay Chibok.
Bishii Oktoobar ee sanadkii hore ayaa waxaa wadahadal dheer ka dib ay Boko Xaraam soo daysay 21 gabdhood.
Qaar badan oo ka mid qoysaska Chibok ayaa ku farxi doona warka soo daynta gabdhaha, balse waxaa weli maqan in ka badan boqol gabdhood.
Inkastoo ay arrinta gabdhaha Chibok soo jiidatay indhaha caalamka, aya haddana waxaa jira kumannaan qof oo ay Boko Xaraam afduubatay sideedii sano ee ay dagaalka waday.


Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *