Saturday, May 6, 2017

thumbnail

Kenyatta oo durba ballanta uga baxay Farmaajo kadib markii uu wax kama jiraan ka dhigay…

Dowlada Kenya ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Uhurro Kenyatta ayaan wali dhaqan galin qaar kamid ah qodobadii ay bisha March kala saxiixdeen Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llhi Farmaajo.

Dowlada Kenya ayaa ka meermeereysa dhaqan galinta qodobka bixinta Fiisaha dal ku galka waxa uuna Heshiisku ahaa in dadka wata Baasaboorada Servive iyo Diplomatic ay si sahlan ku heli karaan Fiisaha.
Waaxda Socdaalka Kenya ayaa is hortaagtay qodobkaasi kadib markii ay lasoo shartagtay qodobo dhowr ah oo loo cuskanaayo caqabadaha ka dhalankara fududeynta Fiisaha.
Diplumaasi ka tirsan Safaarada Somalia ee Kenya ayaa xaqiijiyay in dowlada Kenya, gaar ahaan Waaxda Socdaalka aysan dhaqan gelin heshiiskii dhinaca visaha ee Baasaboorada Servive iyo Diplomatic oo Madaxweynaha Kenya balan qaaday.
Diplumaasiga ayaa sheegay in Heshiiska uu ahaa in dadka heysta baasabooradaas lagu siin doono garoonka Joma Kenyatta, marka ay yimaadaan.
Mas’uuliyiin ka tirsan DFS ayaa caqabado dhowr ah kala kulmay fulin la’aanta Heshiiska, waxaana jira warar sheegaya in Mas’uuliyiin dhowr ah lagu xiray garoonka Joma Kenyatta.
Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in Agaasimaha Waaxda Socdaalka Kenya aan wali lagu amrin hirgalinta qodobka Fiisaha in la saaro Baasaboorada Service iyo Diplomatic.
Arrintaani ayaa kusoo beegmeysa xili dowlada Kenya ay dhaqan ka dhigatay fulin la’aanta Heshiisyada ay la galaan DFS.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *