Monday, May 1, 2017

thumbnail

MURASHAXA MADAXWEYNAHA XISBIGA WADDANI OO CISBITAALKA KU SOO BOOQDAY XOGHAYII DHALLINYARADA XISBIGAASI+SAWIRRO

Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa
cisbitaalka Rambo ee Hargeysa ku soo booqday xoghayahii garabka dhallinyarada Xisbiga WADDANI Md.Cabdifataax Siciid Jaanbiir  oo maalmahii u dambeeyey u jiifay xaalad caafimaad ka dib markii ay ciidamada Booliska Somaliland u geysteen jidh dil aad u xooggan.
Cabdiraxmaan Cirro oo ay booqashadiisa ku wehelinayaan qaar ka mid ah saraakiisha WADDANI, ayaa ugu horreyn xoghaye Aftax ka xaal-wareystay xaaladdiisa caafimaad, waxaana uu sheegay in uu hadda aad u fiican yahay balse uu weli la xanuunsanaayo jugo badan oo ay soo gaadhsiiyeen ciidamada Boolisku.
Guddoomiye Cirro oo isna la hadlaayey bukaanka, ayaa waxa uu Alle uga baryey in uu caafimaad sareecan ah siiyo isla mar ahaantaana uu ka dulqaado dhibbaatada xanuunka ee soo gaadhay.



Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *