Wakaaladda wararka ee Acmaaq oo ay leeyihiin Kooxda ISIS ayaa sheegtay in mid ka mid ah ciidamadooda uu fuliyay weerarkii xalay ka dhacay magaalada Bosaso.
Waxa ay sheegtay in bartilmaameedka uu ahaa bar Kontorool oo ay ku kulmaan Ciidamadda Puntland ee loo kala daabulo deegaanada ay ka dhacaan howlgalada.
Weerarkaas oo ka dhacay wadada Mashquulka badan ee dhex-marta bartamaha magaalada Boosaaso, ayaa lala eegtay barkontarool oo ay dhigteen ciidanka ammaanka.
Kooxda Daacish ayaa horay u sheegatay Weeraro iyo Qaraxyo ka dhacay Koonfurta Soomaaliya.
Weerarkan waxaa ku dhintay 5 qof oo uu ku jiro qofkii Isqarxiyay, askari iyo saddex qof oo shacab ah oo goobta marayay xiliga uu qaruxu uu dhacay, waxaa kaloo ku dhaawacmay ilaa 11 qof oo qaarkood xaaladoodu halis tahay.
Weerarkaani ayaa noqonaaya ismiidaamintii ugu horeysay oo Daacish ay ka fuliso deegaanada maamulka Puntland.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments