Qarax xoogan ayaa waxa uu ka dhacay degaanka Berhaano oo u dhow magaalladda Baladweyne ee xaruunta Gobolka Hiiraan.
Qaraxa oo xooganaa ayaa waxaa la sheegay in lagu qarxiyay Kolonyo ay la socdeen ciidanka Ethiopia ee ka howlgala deegaanaha Gobolka Hiiraan.
Xiliga Qaraxa lala eeganaayay ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM, ayaa waxa ay nasiin ku ahaayen degaanka Berhaano oo u dhow magaalladda Baladweyne.
Qaraxa kadib ayaa waxaa laga warhelay rasaas xoogan oo ay rideen ciidamada Ethiopia ee Qaraxa lala egtay waxaana soo baxaaya in Qaraxa uu ka dhashay khasaaro kala duwan.
Saraakiisha ciidamada dowlada ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Qaraxa uu ciidamada Ethiopia uga dhintay 2 Askari, halka 4 askarina uu dhaawac soo gaaray.
Qaraxa ayaa kusoo beegmaaya xili maalinimadii shalay ay Al-shabaab wadada u galeen Kolonyo gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamada Ethiopia.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments