Madaxweyna Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saakay quraac u sameeyey ku xigeenka Hanti Dhowraha qaranka si ay isaga wareystaan xil ka qaadistii lagu sameeyey Nuur Faarax iyo haddii uu isaga xilkii sida kumeel gaarka ah loogu
magacaabay la wareegay.
Ku xigeenka Hanti dhowraha qaranka Dr Cali abuukar ayaa madaxweynaha u sheegay inuu hanti dhowraha qaranka diiday inuu xilka wareejiyey isla markaasna aysan weli u suurtagelin inuu shaqada la wareego.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si deg deg ah u wacay Taliya nabadsugidda qaranka Sanbaloolshe, waxaana lagu amray inuu Hanti dhowraha la xiriiro kuna amro inuu xilkaas isaga wareejiyo haddii kale sharciga la marsiin doono.
Madaxweynaha ayaa amray in berri oo Axad ah xilkaas lagu wareeji ku xigeenkiisa, waxaana la rajeenayaa in berri uu Hanti dhowraha si nabadgalyo ah xilkaas isaga wareejiyo, maadaama madaxweynaha uu waraaq rasmi ah ku soo saaray.
Markay xil wareejintaas dhacdo kadib, ayaa waxaa la filayaa in maalmo gudahood uu madaxweynaha ku magacaabo shaqsi kale oo buuxin doono booska laga buriyey Hanti dhowraha qaranka.
Haddii ay berri dhacdo in xilka laga wareejiyo Nuur Faarax midaas waxay ka dhignaan doontaa inay dowladda Soomaaliya leedahay awood weyn isla markaasna ay dhamaatay qabyaaladii ka jiri jirtay Soomaaliya, taasoo ah wax lagu faano karo, maadaama aan qabiil waxba lagu gaari karin.Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments