Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Maxamed Cabdillaahi Obsiiye ayaa ka hadlay warar sheegaya inuu waayay kaadhkiisii codbixinta kadib markii uu laba jeer is diiwaangaliyey.
Wasiir Obsiiye ayaa sheegay inaanu isba diiwaangelin isla markaana wakhtigii diiwaangalinta uu dalka ka maqnaa, sidaas daraadeedna aanu qaadan kaadhkii codbixinta ee muwaadin kasta xaqa u lahaa.
Wasiirku waxa uu sheegay inaanu jirin haba yaraatee meel uu laba jeer iska diiwaangaliyey maadaama aanu wasiirba ahayn markii diiwaangalintu ka socotay gobolka Awdal ee uu ka soo jeedo, waxaana uu beeniyey wararkaas sheegaya inuu kaadhkii codbixinta waayay, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“golaha wasiirrada kamaan mid ahayn, dalkana waan ka maqnaa, markii la is diiwaangalinayay dawladda ka mid maan ahayn ninkii joogay wuu qaadan karaa sida Madaxwayne kuxigeenku u soo qaatay laakiin anigu maan joogin wasiirna maan ahayn ismana diiwaangalin mana codayn karo”
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments