Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay shalay qab qabteen lix nin oo lagu tuhunsan yahay in ay xidhiidh la leeyihiin ururka Al-Shabaab iyo kooxda Daacish.
Lixdan nin oo lagu qabtey magaalada Hargeysa ayaa waxaa la
sheegay inay dhawaan ka soo degeen madaarka diyaaradaha ee Hargeysa isla
markaana ay ka yimadeen magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya, waxaana
ku raad joogey ciidamada amaanka.
Wararka ayaa sidoo kale intaas ku daraya in lixdan nin lagu
qab qabtey xaafada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa , halkaas oo kii ugu
horeeyey lagu qabtey masjid mulaac ah , halka kuwa kalana lagu qab qabtey guryo
ay ku jireen.Dhacdadan ayaa waxaa ay aheyd shalay galinkii danbe ilaa
hadana kamay hadal laamaha amaanka iyo xukuumada Somaliland , hase yashee waxaa
hawl galkan aad looga dareemay xafadahaas laga soo qab qabtey ragan.Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay dhawaan warbaahinta u soo
marisay Somaliland Hanjabaado kuwaas oo ah hablo qurbo joog ahaa oo dhawaan
xukuumadu ku celisay dalalkii ay ka soo jeedeen.Dhinaca kala kooxahan la qab qabtey ayaa waxaa ay cadho
xoogan ka qaaden sida la sheegay heshiiska saddex geesoodka ah ee dekada
Berbera.
Wararka ayaa sidoo kale intaas ku daraya in lixdan nin lagu qab qabtey xaafada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa , halkaas oo kii ugu horeeyey lagu qabtey masjid mulaac ah , halka kuwa kalana lagu qab qabtey guryo ay ku jireen.Dhacdadan ayaa waxaa ay aheyd shalay galinkii danbe ilaa hadana kamay hadal laamaha amaanka iyo xukuumada Somaliland , hase yashee waxaa hawl galkan aad looga dareemay xafadahaas laga soo qab qabtey ragan.Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa ay dhawaan warbaahinta u soo marisay Somaliland Hanjabaado kuwaas oo ah hablo qurbo joog ahaa oo dhawaan xukuumadu ku celisay dalalkii ay ka soo jeedeen.Dhinaca kala kooxahan la qab qabtey ayaa waxaa ay cadho xoogan ka qaaden sida la sheegay heshiiska saddex geesoodka ah ee dekada Berbera.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments