Wednesday, May 3, 2017

thumbnail

Wasiir ka tirsanaa xukuumadda Kheyre oo caawa lagu dilay Muqdisho

Waxaa goor dhaweyd Magaalada Muqdisho gaar ahaan madaxtooyada lagu dilay wasiirkii ugu dhallinta yaraa Xukuumadda Xasan Cali Khey.

Faahfaahinta laga helay dilka loo geystay cabaas siraaji oo ahaa wasiirkii howlaha Guud ee xukuumadda Kheyre ayaa waxay sheegeysaa inay toogteen Ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la sheegay inay ka shakiyeen gaarigii uu saarnaa.
Ciidamada ka tirsan dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada u ahaa Hanti Dhawraha qaranka  ayaa rasaas ku furay gaariga uu saarnaa wasiirka howlaha Guud ee Siraaji wuxuuna u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray rasaastaas.
Sababta rasaasta loogu furay ayaa la sheegay inay aheyd markii ay ka shakiyeen Gaariga uu watay wasiirka oo ahaa nooca loo yaqaan Toyota Land Cruiser Prado, markii uu ka hari waayana waxay ku bilaabeen rasaas, lamana ogo haddii ay ka war qabeyn inuu wasiirka saarnaa iyo haddii kale.
Wuxuu noqonayaa wasiirkii ugu horeeyey ee laga dilay xukuumadda Kheyre balse wuxuu ku baxay gacanta dowladda, waxaana markii horeba wasiirada dili jiray ururka Al-Shabaab, balse midaan waxay noqneysaa arrin ku cusub dowladda.
Allaha u naxariistee Cabaas Siraaji ayaa ahaa Wasiirkii ugu da’da yaraa ee Xukuumadda Soomaaliya, waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa dhalinyaradii ku soo biirtay Baarlamaanka Federaalka.
Waxaa laga war sugaa tallaabada uu Kheyre ka qaado ilaalada Hanti dhawraha qaranka ee dilkaas geystay, maadaama adduunka la dhaafiye mid kamid ah wasiiradiisa.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray in Wasiirka ay rasaas ku fureen ciidamo, baaritaan uu socday, balse caasimadda Online ayaa ogaatay in ilaalada dishay ay ahaayeen kuwa hanti Dhawraha qaranka Dr. Nuur Jimcaale.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *