Thursday, May 25, 2017

thumbnail

Xog: 30 Haweyn oo Isku Diiwaangeliyey Iney Isku qarxiyaan Shan Magaalo oo Soomaaliya ka tirsan

Caasimadda ayaa heshay xog ku saabsan in 30 Haweyn oo ka tirsan ururka Al-Shabaab ay isku diyaarinayaan inay isku qarxiyaan afar Magaalo oo waaweyn oo ka tirsan dalka Soomaaliya.


Haweenkan oo da’dooda u dhaxeysa 30 illaa 35 sano jir ayaa la sheegay in Al-shabaab ay muddo ka dhinac dagaallameeyn, caawinayeen, hase ahaatee markii ay yaraadeen raggii  is qaraxinayey ayeey iyaga iska diiwaangeliyeen gobolka Jubada Dhexe.
Xogtu waxay sheegeysaa iney is qarxin ka sameyn doonaan haweenkan, magaalooyin waaweyn oo dalka ah, sida Muqdisho, Garoowe, Kismaayo, Baydhabo, Boosaaso, B/weyne, Gaalkacyo iyo magaalooyin kale.
Waxay hadda ku xaroodeen meel ay shabaabka ugu talogaleen in dadka is qarxinaya ay ku jiraan muddo bilo ah, si afkaar adag loogu soo shubo.
Al-shabaab ayaa maalmihii ugu dambeeyay la sheegayey in aysan hayn dad badan oo is qarxiya, hase ahaatee hadda haween badan ayeey heleen.
Haweenka aaminsan fikradda Al-shabaab waxay aad uga ad adag yihiin ragga oo laga yaabo in aragtidaasi kasoo laabtaan, balse haweenka ma ahan kuwo soo laabta!., waxayna Al-Shabaab dhowr jeer tababar usoo xireen Haweyn badan oo ka tirsan kooxdaas.
Al-Shabaab ayaa qaraxyo badan ka sameeyey dhowr magaalo oo ka tirsan dalka Soomaaliya, waxayna naftooda dhaafiyeen kumanaan Soomaali ah oo ku dhintay qaraxyada iyo dilalka ay iyaga ka dambeeyaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa laga doonayaa inay xal deg deg ah ka gaarto arrintaan sid looga badbaado dhibaatada ay soo wadaan soddonkaan Haweyn ee ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo isku soo diyaariyey inay is qarxiyaan.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *