Safiiro iyo Diplomaasiyiin ayaa ka digay qatarta kasoo socota qorshaha Trukiga ee saldhig Militry uga dhisanayo Soomaaliya waxana ay shaaca ka qaadeen in
qorshahaas uu handadayo amniga qaranka dalka Masar iyo kuwa Carabta.
Safiir hore oo Masar ugu qaabilsanaa arimaha Afrika ayaa sheegtay in joogitaanka Turkiga Soomaaliya ay tahay qatar ka dhan ah dowladda Masar waxana ay ku eedeysay inay maalgaliso kooxaha argagexisada.
Masar ayaa ku hanjabtay inay jiraan ciidamo dhulka ah oo soodimaha ilaaliya,waxana Masar oo ka baqdin qabta Turkiga ay sheegtay in indhaha lagu hayn doono qorshaha saldhiga Militery ee Trukiga.
Axmede Xujaaj oo ahaa kaliyihii hore ee wasiirka arimaha dibada Masar ayaa sheegay in goor dhow sbadal lagu smaeyn doono hogaanka Ciidamada Turkiga waxa uu sidoo kale ifiyay in Trukiga saldhigaasi inuu ka hirgaliyo Soomaaliya uu ogolashiyo uga haysto dowladda Somaaliya.
Turkiga ayaa dhawaan shaaciyay n madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordugan uu furi doono saldhigaasi oo laga hirgalinayo meel u dhow garoonka Muqdisho waxaana la dhagax dhigay 2015-kii waxana dhimmaha saldhigaasi ku baxaya lacag dhan 50milion oo doolarka Mareykanka.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa xaqiijiyay in saldhigaasi dhawaan la furi doono.
Subscribe by Email
Follow Updates Articles from This Blog via Email
No Comments