Tuesday, May 9, 2017

thumbnail

AMISOM OO WAR KA SOO SAARTAY MAMNUUCIDII GAADIIDKOODA EE WADADA MAKA AL-MUKARAMA

Afhayeenka Ciidamada AMISOM Joe Kibet ayaa ka hadlay amar ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, kaasoo ahaa in gaadiidka AMISOM aanay
isticmaali karin Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan Isgoysyada Sayidka illaa Banaadir.
Joe Kibet oo wareysi siiyay Idaacada Muqdisho ayaa sheegay in aanu soo gaarin wax amar ah oo ku saabsan arrintan, balse ay ku arkeen oo kaliya baraha bulshada.
“Anaga wax warqad ah nama soo gaarin, waxaa ku aragnay oo kaliya baraha bulshada, wax aan ku aragnay Twitter-ka ma qaadan karno”ayuu yiri Afhayeenka AMISOm Joe Kibet.
Waxaa uu sheegay in hadii warqad uu soo gaarsiiyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay noqoneyso mid Taliska oo dhan ay ka shiraan go’aan ka gaaraan.
“Illaa iyo hada Taliyaha AMISOM warqad gacanta loo geliyay ma jirto, hadii ay na soo gaartana Taliska oo dhan ayaa ka shiraya, go’aan ayaa ka soo saari doonaa”ayuu yiri Afhayeenka AMISOM
Gelinkii hore ee maanta ayay aheyd markii Gaadiid ka mid ah kuwa AMISOM lagu arkay, iyagoo isticmaalaya Wadada Maka Al-Mukarama, waxaana taasi u muuqatay mid jebineysa amarkii Guddoomiyaha.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa baraha bulshada qaar dhaliilo kala kulmay qaabka uu u adeegsaday amarka oo ahaa mid markii hore laga arkay baraha bulshada, kaddibna Afhayeenkiisa ka sheegay Idaacadaha Muqdisho.
Tallaabada AMISOM looga joojinayo isticmaalka Wadada ayaa ah mid wanaagsan, maadaama horay ay u geysteen shilal kala duwan, balse amar kasta oo soo baxa waxay u baahan tahay fulinteeda, waxaase la ogeyn sida ay u dhaqan gelin doonaan Ciidamada AMISOM
AMISOM ayaa 6-dii bishan ku qabatay Xarunta Xalane Siminaar ku saabsan yareynta shilalka ay galaan gaadiidkooda ee sababta qataraha isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Subscribe by Email

Follow Updates Articles from This Blog via Email

No Comments

About

Blog Archive

Powered by Blogger.

Formulir Kontak

Name

Email *

Message *